Maayarku Xigeenka Caasimadda Hargaysa Oo Lagu Eedeeyay Musuq Maasuq Baahsan Iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Oo Wado Mooshin Xilka Lagaga Xayuubinayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarku Xigeenka Caasimadda Hargaysa Oo Lagu Eedeeyay Musuq Maasuq Baahsan Iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Oo Wado Mooshin Xilka Lagaga Xayuubinayo.
April 27, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Khilaaf culus ayaa ka dhex Curtay Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo Maayir ku Xigeenka Caasimada oo Hada ah ku simaha Maayirka Caasimada Hargeysa ah Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagawayne).Waxana Khilaaf kani marki danbe isku badalay Mooshin ka dhana Maayir ku Xigeenka Caasimada

Xildhibaanada golaha deeganka ee wada mooshinka xilka lagaga xayuubinayo ayaa ku eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq baahsan kaasi oo ah in uu boob xoogan ku hayo dhulka danta guud kuna tagri faray awooda golaha deegaanka ee uu kusimaha ka yahay

mayirku xigeenka hargaysa

Warar aanu ka helayno ilo ku dhow dhow Galaha deeganka Caasimada Hargaysa ayaa tibaaxay in maayirkuxigeenka caasimadu ku kacay boob dhul oo uu u adeegsaday sharci daro kuna boobay awooda xilka uu hayo taasi daba usoo baxday kadib markii beero kor u dhaafaya 9 beerood uu si sharciga baalmarsan u qaatay danta guud ee loogu talo galay in loo adeegsado daboolida baahiyaha bulsho waynta caasimada

Waxana   Mooshin abaabulaya Xildhibaano tiro badan   arintan ayaa sababtay in maayir ka Caasimada oo howl shaqo ku maqnaa uu safarkisii soo afmeero Mooshinkaasi awgeed, islamarkaana la filayl inuu degdeg dalka ugu soo laabto

Arintani Cakiran ayaa gabi ahaanba hakad galisay shaqadi Dowlada Hoose ee Magaalada Hargeysa

xildhibaanaddan mooshinka wada ayaa iyagu qodobo sharci oo uu galay ku qaadaya maayar ku xigeenka

maayaar ku xigeenka ayaa inta badan ah masuul aad u fudud islamarkaana aan lahayn degenaashihii looga baahnaa ee masuulnimo taasina waxay keentay in golaha deegaanka caasimaddu go’aan adag oo xilka qaadistiisa ah qaataan iyadoo la filayo inuu mooshinkani uu noqod doono kii sahayn lahaa xilka maayar ku xigeenimo ee cagawayne.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS