Ma Taqaan Meelaha Ay Iska Shabahaan Kacaankii Miletari Ee Siyaad Barre Iyo Nidaamka Siilaanyo?-W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Taqaan Meelaha Ay Iska Shabahaan Kacaankii Miletari Ee Siyaad Barre Iyo Nidaamka Siilaanyo?-W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro
April 23, 2015 - Written by Editor:

muuse Biixi waxaanu ku nidhi adigoo siilaanyo ku xiga, adigoo Hargeysa jooga oo nin Sacad Muuse ah maxaad noo qabatay maxaadse dalka sidan uugu eegeysaa?,

Markaan isku eego kacaankii mileteri ee Maxamed Siyaad Barre iyo kacaan beeleedka Axmed Siilaanyo meelo badan ayey iskaga eegyihiin, tusaale ahaan markaan dhaafo Siyaad iyo Siilaanyo waxa aad isku metela Muuse Biixi iyo Xuseen Kulmiye Afrax, dhanka kale waxa iyaguna isku dhow Maxamed Kaahin iyo Axmed Saleebaan Dafle.

cali-xaraaroWaxaan ku horeynayaa Xuseen Kulmiye markuu Siyaad Barre wuxuu doono sameeyey ayaa waxa is urur saday odayaal ay is xigeen Xuseen Kulmiye oo u tegey waxaanay ku yidhaahdeen Xuseen kulmiye adigoo siyaad bare ku xiga, adigoo goof kaagii jooga oo ah nin Abgaal ah maxaad noo qabatay ama dalka u qabatay? wuxuu Xuseen Kulmiye odayaashii uugu jawaabey; horta Abgaal waxaan u qabtay qoorteydan cas, ee dheer ayaan u bed baadiyey, dalkana wax qabad ayaa socda.

Maalintii Cabdiraxmaan  Abdi Qaadir laga saaray Xisbiga Kulmye ayaanu u tagnay muuse Biixi waxaanu ku nidhi adigoo siilaanyo ku xiga, adigoo Hargeysa jooga oo nin Sacad Muuse ah maxaad noo qabatay maxaadse dalka sidan uugu eegeysaa?, wuxuu noogu jawaabey; horta Sacad Muuse waxaan u qabtay sedex fooq ayaan dhisey, dalkana nimcaa fadhida.

Axmed Saleebaan wuxuu ahaa raga uugu awooda badan xiligii Siyaad Bare wuxuu haystey ciidankii la odhan jirey NNS-ta oo si aada looga baqan jirey, Axmed wuxuu ahaa nin dadka ku xidhan oo marka ay wax dhacaan loo tago, hase yeeshe ahaa isla markaana,wuxuu ahaa qofka waxaa dhacay sameeyey.

Hadaba Maxamed Kaahin sidii Axmed Saleebaan ayuu u shaqeeyaa, waxaanu ka tirsan yahay sagaalka nin ee gooya talada dalka, waa taliyaha qarsoon ee ciidamada kala duwan sida; ciidanka qaranka, sir doonka iyo RRU-da, Maxamed Kaahin waa ninka loo tago marka ay wax laga cabanayo isla markaana waa ninka sameeya waxaa laga cabanayo, shaqada uugu weyn ee uu hayaa waa ilaalinta iyo basaasida Muuse Biixi sidii Axmed Saleebaan u ilaalin jirey Xuseen Kulmiye Afrax.

Qalinkii: Mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro)

COMMENTS
LINKS