Loolanka loogu jiro Buuxinta Jagada Gudomiyaha Maxkamada Sare Oo Meel Adag Maraya Iyo Xubnaha Safka Hore Ku Jira. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolanka loogu jiro Buuxinta Jagada Gudomiyaha Maxkamada Sare Oo Meel Adag Maraya Iyo Xubnaha Safka Hore Ku Jira.
April 19, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews)Xalay ayay hayd markii digreeto madaxwayne xilkii lagaga qaaday gudomiyihii maxkamada sare kaasi oo xilka qaadisktii uu madaxwaynuhu u cuskaday la shaqayn la,aan  gudida cadaalada ,

Gudomiyhii maxkamada sare garyaqaan yuusuf ismaaciil cali ayaa xilkan hayay mudo afar sano iyo dheeraada

Hadaba xilka qaadista kadib ayaa waxaa bilaabay olole loogu jiro amaba xulasho xubintii buuxin lahayd oo xukuumada ka dhex xulanayso dhamaan bahda ku abtirsata garsoorka somalalind

Loolanka loogu jiro buuxinta jagada gudomiyaha maxkamada sare ayaa caawa xoog looga dareemayaa  goobaha lagu falanqeeyo siyaasada dalka iyo qasriga looga arimiyo somaliland

Wararka aanu helay ILO UDHOW dhow madaxtooyada ayaa tibaaxaya xubnaha safka hore kaga jira in markii u horaysay ay yihiin xubno dhalinyaro kuwaasi oo rikoodh fiican ku leh guud ahaan bahda garsoorka somaliland

Xubnaha ugu cad cad ayay wararku tibaaxayaan in ay kamid yihiin Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi iyo Aadan Xaaji  Cali labadan masuul ayaa ah kuwa  hada ugu cad cad buuxinta jagada gudomiyaha maxkamada sare

Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi oo ah xubinta xiligan ugu cad cad ayaa  ah masuul mudadii uu ku jiray bahda garsoorka  ku sifoobay  firfircooni  kana soo baxay dhamaan kiisaska uu u hayay bulshada

sikastaba ha ahaa tee xubnaha ayaa kuwa u qalma in ay qabtaan xilka ugu sareeya maxkmadaha dalka somaliland oo u baahan in mar uun loo dhiibo xubin dhalinyo ah oo leh aqoon buuxda dalkana og xaaladiisa dhabta ah halka madaxwayne siilaanyo noqonayo hadii uu talaabadan qaada mid dhiirigalinaya dayarta wax baratay oo u heelan sidii ay cadaalada somaliland wax uga qaban lahaayeen

waxaa la sugaaba waxaa talaabada ugu danbaysa ee uu qaada madaxwayne axmed maxamed maxamuud siilaanyo

HARGAYSA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE J,J. HIRSI

COMMENTS
LINKS