Kulankii M/weyne Ku Xigeen J.Somaliland Md C/raxman C/laahi Zaylici Iyo congressman Keith Ellison. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulankii M/weyne Ku Xigeen J.Somaliland Md C/raxman C/laahi Zaylici Iyo congressman Keith Ellison.
April 1, 2015 - Written by Editor:

Minneapolis(Wajaalenws)Waxaa kulan muhiim ahi dhex maray M/weyne Ku Xigeen J.Somaliland Md C/raxman C/laahi Zaylici Iyo congressman Keith Ellison.Md Saylaci wuxuu xildhibaanka u sharaxay qadiyada Somaliland iyo marxaladihii ay soomartay iyo halka maanta ay marayso,isla markaana ay tahay qadiyadoodu mid aan ka noqosho lahayn wax kastana ay u soo hureen una huridoonaan.

ke2 ke ke(1)

M/weyne ku xigeenku wuxuu ka codsaday xildhibaanka inuu kala shaqeeyo wanaajinta xidhiidhka dalkiisa iyo ka gobolka Minnesota ee laga soodoorto iyo Jamhuuriyada Somaliland,taas oo uu balan qaaday Md Keith Ellison isagoo sheegay inuu horena u waday hadana awooda saaridoono sidii uu xidhiidhkaasi u sii xoogaysan lahaa.

Waxaa kulankaa goobjoog ka ahaa Jibriil Abuubakar oo ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye iyo Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah isla markaana ah bare sare oo wax ka dhiga jaamacad ku taala gobolkan Minnesota.

M/weyne xigeenku wuxuu ku sii sugnaandoonaa waqooyiga maraykanka mudo tobaneeyo malmood ah mudadaas oo uu la kulmidoono jaaliyadaha kala gedisan ee gobolada USA Iyo Canada iyo sidoo kale madax badan ayaa u qorshaysan inuu la kulmo M/weyne kuxigeenku.

COMMENTS
LINKS