Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q-2aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q-2aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali
April 24, 2015 - Written by Editor:

Maqaalkeenii hore waxa aynu kaga soo hadalnay mid kamida khilaafyada dhinaca biyaha ee u dhaxeeya waddamada dhaca mandaqadda Bariga Dhexe, inaga oo soo xusnay khilaafka ka taagan wabiga Orantes. qormadenan labaad waxa aynu haddi RABBI raali ka noqdo aynu soo qaadan doona khilaaf kale oo ka alloosan Bariga dhexe, kaa soo ku saabsan dhinaca wabiyada mara mandaqaddaas.

cabdiraxiin 33

Khilaafyadan ka jira dalalka waddaaga wabiyadu, waxa ay sii xogaysteen labaatankii sanno ee u dambeeyay. Waxa jiray heshiisyo ku meel gaadh ahaa oo ay gadheen dalalka qaarkod, balse taasi may noqon heshiisyo waara, waxanay khillafyadu dib uso laba kacleyeen muddoyinkii u dambeeyay. Bal aynu eegno mid kamid ah wabiyada marra Bariga Dhexe ee isna sidoo kale uu khilaafka xooggani ka taagan yahay.

 Khilaafka Ka Taagan Wabiga Litani.

Wabiga Litani wa wabi yar oo kaso bilaabma fikta sarre ee dalka Lubaan, kuna dhammaada isla konfurta dalka Lubaan. Wabiga Litani isaga oo ka tirsan dalka Lubaan, waxa haddana damacday oo aad u rabta inay ka faa’idasytaan dalka Isra’il. Damaca ay damacday isra’il wabigu maha mid hadda ku dhashay, balse waxay ahayd mid horraysay oo soo bilaabmatay markii dadka Yuhuuda lagu deegaameynaayey dhulka Barriga Dhexe. Waxay wakhtigaas u arkayeen in qabsashada wabigaasi ay faa’ido wayn ugu fadhido yagleelista iyo degaamaynta cusub ee dadka Yuhuuda. Ururkii u ololaynaayey deegaamaynta Yuhuuda, ayaa waxa ay soo jeediyeen inay muhiim tahay qabsashada wabigaas, sido kalana ay faa’ido wayn ugu fadhido dalkooda cusub ee dhidibada loo taagayo .

Wakhtigaas, waxa ay sidoo kale qorshaha ku darsaden wabiyo kale oo mara mandaqadaas. Goobahan ay aadka u danaynayeen waxay u badnayeen wabiyada iyo harooyinka dhinaca xuduuddaha, sida inay helaan wabiyada dalka Jordan oo ay ku jiraan wabiga Yarmuk, Dan, wabiga Hasbaani, harada Tibaaris. Geesta kale waxay sidoo kale ay rabeen in gacanta ku dhiggaan dhammaan goobaha biyaha ee dalka Falastiin.

Markii Isra’il ay qabsatay dalka Lubnaan sannadkii 1978kii, waxa logu magacdaray dagaalkaas ,,Hawl- galkii Lutaani” Taaso ku tusaysa sida ay u danaynaysay helista wabigaas. Wixii wakhtigaas ka dambeeyay Isra’il, waxay xooga sartay oo ay dadaal wayn u gashay sidi ay uga faa’idaysan lahayd wabigaas, kana samayn lahayeen mashariic kala duwan, si ay uga soo xareeyaan dhaqaale aad u badan. Geesta kale waxa iyaguna dhinaceeda dadaal dheeriya wada, kana so hor jeeda qorshaha Israil dalka Lubnaan oo ah halka wabigu maro.

Tartankan xoogan ee labada dal mid walaaba u dhiniciisa ugu jiro sidii u uga faa’idaysan lahaa wabigan, ayaa waxay keneen khilafyo soo noq-noqday oo u dhaxeya labada dal, kuwaso dhawr jeerna sababi gaadha in dagaal cusubi ka dhex qarxo. Waxa la sameeyay heshiisyo la isku dayay in la damiyo, xalna laga gaadho khilaafka ku salaysan wabiga Litani, basle wa laguma guulaysan, lagamana gaadhin xal-waara. Khilaafyadan u dhaxeeya labada dal ee Lubnaan iyo Isra’il ayaa iyaguna haddi ay sii socdaan laga yabaa inay horsedaan dagaalo baahsan, kuwaso samayn balaadhan ku yeelan kara guud ahaan mandaqadda Bariga Dhexe…..

La soco qaybaha dambe in sha ALLAH.

WABILLAHI TAWFIIQ.

W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Senior Student at New Generation University College.

Email. Xaajifaarax12@hotmail.com

Addis Ababa, Ethiopia

COMMENTS
LINKS