Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q-1aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q-1aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali.
April 7, 2015 - Written by Editor:

Haddaba, Arrimaha u diiday in si isku mida ah looga faa’idasto biyahaas, sidoo kalana keenay khilaafyada soo noqnoqda ee u dhaxeeya

Bariga Dhexe  waa mandaqad dhacda xudunta caalamka, juquraafi ahaana waxay ka kooban tahay dalalka Galbeedka Aasiya iyo Waqooyiga Afrika. Waxay ku taal goob aad muhiim u ah,  sido kalana waa mandaqad door wayn ka ciyaarta arrimaha dhaqalaha iyo siyaasadda dunida. Bariga Dhexe,  waxay xidhiidhisa oo ay isku xidhaa Qaaraddaha waawayn ee Afrika, Yurub, iyo sidoo kale Bariga fog.  Arrintahaas ayaa ka dhigay Bariga Dhexe goob ay  indhaha dunidu ay aad u hayaan, si gaar ahna ahmiyad loo siiyo. Haddaba, muddoyinkii udambeeyay  waxa waddamada ku yaala Bariga Dhexe soo kala dhex galay khilaafyo, kuwaso ku salaysan dhinaca biyaha. Waxa  waddamada mandaqaddu mid walaaba uu gaarkiisa dadaal u gallay sidu uga  faa’idaysan
lahaa  biyaha Bariga Dhexe, taasina waxay kentay khilaaf hor leh oo ka dhex qarxa waddamadaas.

1526696_846004355453272_7303888939192425440_n(1)

Haddaba, Arrimaha u diiday in si isku mida ah looga faa’idasto biyahaas, sidoo kalana keenay khilaafyada soo noqnoqda ee u dhaxeeya  dalalka Bariga Dhexe waxa ka mid ah.

1.Iyada oo anay jirin heshiisyo rasmi ah oo ay waddamada mandaqaddu ay hore uga gaadhen arrinta dhinaca biyaha, iyo sidii looga wada faa’idaysan lahaa.

  1. Iyado anay jirin xidhiidhyo, iyo iskaashi ay yesheen dalalka Bariga dhexe, sido kalana anay samayn qorshe iyo siyaasaddo cad oo ku sabsan goobaha biyaha.
  2. Wax soo saarka iyo beeraha oo xoogaystay, una baahday  biyo dheeri ah, taasina ay kentay in waddan walaaba uu ka fiiro danihiisa gaarka ah, iskana indho tiro waddamada kale ee ay wada wadaagan dhinaca biyaha.
  3. Iyado oo waayadan dambe ay  aad u kordheen mashaaricda badan ee laga fuliyo Goobbaha biyaha sida wabiyada, masharciidaas oo ay  kaso xaroodaan dhaqaale aad u badan, taasina ay horseedday khilaafyo ka dhex qarxa dalka waddaaga wabiyada marra Bariga dhexe

Waxan haddaba an so qaadan doonna mid kamida khilafyada u dhaxeeya dalalka Bariga Dhexe ee ku saabsan dhinaca biyaha.

Khilaafka Wabiga Orantes.

Wabiga Orantes oo sido kale afka Carabiga loo yaqano AL-Asi, waa wabi yar  marka loo eeggo wabiyada kale ee marra Bariga Dhexe. Wabigu waxa uu kasoo bilaabma fikta sarre ee dalka Lubaan, waxaanu u gudbo oo uu gala waqooyiga Suuriya, waxanu ugu dambayn ku dhammaada gobolka Al-Iskantarun oo ka tirsan dalka Tukriga. Wabigani waxa uu khilaaf xoogan oo soo noq-noqday muddo dheer  u dhex dhigay dalaka Turkiga iyo Suuriya.  Dalka Suuriya ayaa waxa uu ku an-dacadooddaan in gobolka Al-Iskantarun oo ah goobta uu ku dhammaado wabigu, ay tahay dhul ay iyagu leeyihiin, kana ka tirsan yahay dalka Suuriya, balse si aan sharci ahayn loogu wareejiyay dalka Tukriga. Gobolkan ayaa wakhtigii uu u faransiis-ku uu joogay dalka Suuriya uu gacanta u galiyay dalka turkiga sannadkii 1939kii. Dalka Suuriya aya ku an-dacoodda in gobolkaas  uu ku dhammado wabigu  uu ka tirsan tahay dhulka Suuriya.

Dinaca kale waddanka Turkiga  ayaa isna geestiisa ku dooda in goobtaasi ay ka mid tahay dhulkiisa, cid so fara galin kartaana anay jirin, haddi lasoo fara galiyana ay  gacan bir ah iskaga qaban doono. Arrimahanina waxay keneen is mari waa iyo khilaf siyasaddeed oo u dhaxeeya labada dal ee Suuriya iyo Turkiga. Walow ay jireen isku dayo badan oo lagu dhexdhaxadinayey labada dal, laguna rabay in lagu dajiyo xaaladda cakiran ee ka taagan wabigaas, nasiib daro  laguma guulaysan, lagamana gaadhin xal waara. khilaafkan u dhaxeeya labada dal, ayaa laga cabsi qaba inay ka dhalato natiijo aan wanagsanayn, haddii aan xal dagdaga laga gaadhin. khilaafyadan u dhaxeeya labada dal, ayaa hadii ay sii socdaan  sidoo kale saamayn  wayn ku yeelan doona  guud ahan dalalka Bariga Dhexe….

La soco qaybaha dambe in sha allah.

WABILLAHI TAWFIIQ.

W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Senior Student at New Generation University College

Email. Xaajifaarax12@hotmail.com

Addis Ababa, Ethiopia.

 

COMMENTS
LINKS