|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaanka Sare Ee Mucaaridka Somaliland oo Bulshada Kaga Bakhaylay Inay Kala Qayb Qaataan ololaha Nadaafada Iyo Dareenada Ku Xeeran.
April 8, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Maalinta ololaha nadaafada qaranka ayuu madaxweynuhu u asteeyey in bilkasta todobadeeda la qabto dalka oo dhan, olalahan oo ku begnaa maalintii shalay ololahan oo ay u hagar baxeen bulshada qaybaheeda kala duwani iyadoo aanay u kala hadhin madax iyo mijab hormoodna ay ka ahaayeen madaxwaynaha iyo marwadiisu dhamaan golaha wasiirda shaqalaaha iyo,masuuliyiinta ardayda macalimiinta ururada haweenka maamulka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay iyadoo shacabka somaliland intooda badani ololahan nadaafada ay qashinka kaga gureen meelo uu xashiishka iyo qashinku uu buux dhaafiyey , waxay ahayd talaabo ay bulshadu ku amaantay madaxweynaha iyo xukuumadiisaba, waxa iswaydiin mudan ololahan qaran ee laga fulinayey dalka oo dhan ee aan cidina u kala hadhin, maxay uga muquurteen xisbiyada mucaaridku, miyaanay qarankan ka mid ahayn? Qashinka la gurayo cida laga gurayo miyaanay ka mid ahayn? Ka maqnaashaha ay ka maqnaadeen maalintan ololaha nadaafada qaranka xisbiyada mucaaridku waxa ay su,aal galinaysaa wadaniyada iyo lexejeclada ay wadanka ka qabaan, haday, quudhsadeen inay dadka xashiishka ka guraan, maxay rabaan inay bulshada u qabtaan, ma dhib la,aan ayey rabaan inay bulshadu ku doortaan, oo ay hadhowna qacmaha laabtaan, arinka kaasi ay sameeyeen mucaaridku waa ceeb bar madow ku noqon doonta doorashada ay ku tartamayaan waxaanay marag cad u noqon kartaa heerka ay wadaniyada ka taagan yihiin, waxaana loo baahan yahay in ay bulshada u cadeeyaan sababta ku kaliftay, damiir xumada ay shacabkooda kagala qaybqaadan waayeen gurista xashiishka iyo kor u qaadida nadaafada, ugu danbayn waxaan aad ugu mahadnaqayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo talaabo uu hore u qaaday isagoouu iclaamiyey maalinta ololaha nadaafada waaxn leeyahay madaxweyne hlakaa kaga hay guul ayaanan kuuu rajaynayaa.
Allaa mahadleh
W/Q : Axmed koosaar Email : mahamedfantastic@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|