“Halyaygii hanka iyo himilada lahaa Aadan Xasan Aadan “beleloo.” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Halyaygii hanka iyo himilada lahaa Aadan Xasan Aadan “beleloo.”
April 5, 2015 - Written by Editor:

Marka laga tago inaan warbaahinta ka dheehdo, dhaq-dhaqaaq’yada xaq u dirirnimo iyo halganka uu ugu jiro dhowridda hantida kaliya ee maanta Soomaali u hadhay oo ah Afka iyo dhaqanka. Markii ugu horreysay ee aan fool ka fool isku hor-fadhiisannay ee aan u bogay,  la dhacay,ka helay, u qushuucay isla markaanna xidhiidh walaaltinnimo oo ugub ah halkaa ku yag-leelnay, waxay ahayd dabayaaqadii gu’gii “2011.”                                                  “waxaa hubaal ah in akhristaha ka bogta qoraalkan uu ka faa’iidaysandoono wax badan.”     sidaan kor ku xusay Aadan Xasan Aadan “beloloo” waxaannu ku kullannay magaalada                 Addis –ababa, gu’gii “2011,” wakhti aan halkaa u joogay daabacaadda buuggaygii ugu horreeyay. waxaa iskaaya bartay shakhsiyad aad u karti badan, inan aad u qiimo badan, inan karti iyo firfircooni ku caanbaxday, waa walaashay Drs. Muha Daahir Faarax jire.

Waxaan xasuustaa ammintaa inuu u yimiday daabacaadda (Agenda) loo samaynayay “ururka Qalinleyda Soomaaliyeed “Somali speaking Pen,” ee xaruntiisu tahay jamhuuriyadda Djibouti. Aadan Xasan Aadan Wakhtigaa wuxuu ahaa Gudoomiye ururka “Pen.” Waxaan filayaa in aynnaan si dhib yar uga gayoonnayn hal-tabinta taariikh nololeedka qofnimada macaanka badan ee Aadan Xasan Aadan, hasayeeshee “waynu kor ka xaadindoonnaa” innagoo xoogga saarrayna meelaha ay mudan tahay in qofka hanka iyo himilada leh kaga daydo Aadan Xasan Aadan.

Taariikh kooban…..

           Aadan Xasan Aadan “beleloo” wuxuu waxbarashadiisii hoose dhexe ku dhammaystay Djibouti, wuxuu ka baxay {Machadka Sucuudiga} sannadkii 1996, jaamacaddiisa shahaadda koowaad wuxuu ku soo diyaarayay dalka Murutaaniya. Sannaddii “2001.” halkaas oo uu ku soo diyaariyay (defence and security)

Shahaaddada Master wuxuu ka soo dhammaystay sannadkii “2011,” jaamacad ku taal dalka Maleesiya, halkaas oo uu ku soo diyaariyay “Daraasaadka istraatajiyaddaha.

2002– 2005 wuxuu ahaa macalin ingiriisiga ka dhiga dugsiyada sare ee Djibouti. Waxaan filayaa in macalinnimadu tahay meesha Aadan Xasan Aadan ka soo bartay laba shay;            1) dulqaadka ama samirka,                                                                                                                   2) aftahamada iyo habka maamuuska u dhihidda haddalka.

2005 – 2009 wuxuu ahaa gudoomiyihii waaxda Af-soomaaliga ee machadka cilmi baadhista ee Djibouti ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan “CERD”

  1. December waxaa loo magacaabay gudoomiyaha Ururka Qalinleyda Soomaaliyeed ee (Somali Speaking Pen) muddo xileedkii uu Gudoomiye Aadan joogay Pen waxay gaadhay guulaha ugu waaweyn ee ilaa hadda ay ku faanto, oo aan ka xusi karno, inay suurto galisay shirweynahii ugu heerka sarreeyay ee sannad guuradii 40-aad ee xuska maalinta afka hooyo. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Afar madaxweyne, Abwaanno, Qoraayo, Dhaqan dhaadhiyo, Suugaan ruugyo, Af-yaqaanno, CIlmi baadhayaal iyo suxufiyiin. Sidoo kale Pen waxay soo saartay Qaamuuskii ugu weynaa ee Afsoomaali ah.
  2. March. Aadan Xasan Aadan wuxuu Madaxweynaha jamhuuriyadda Djibouti “Mudane Ismaaciil Cumer Geele” u magacaabay wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha islaamka, tanna waxay timid markuu madaxweynuhu arkay shaqo wanaagga,dadaalka,daacadnimada iyo kartida Aadan Xasan Aadan “beleloo” xeel dheerayaasha siyaasadda wax ka qora kana faallooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqaaluha ama jaamacaddaha cilmi baadhista ku sameeyay arrimaha siyaasadda oo aan ka xusi karo jaamacaddo ku yaal geeska Africa ilaa hadda waxay jawaab u la’yihiin mugga weynida dublamaasiyaddeed ee awoodday in ay hal meel ku wada hayso “Wasaaraddaha dhaqanka iyo Diinta” taas oo Deegaannada kale ee soomaalida la kala dheereeyo lana kala ilaaliyo, wasiir Aadan Xasan Aadan”beloloo” wuxuu abuuray jawi ay ku wada noolaan karaan Fannaanka iyo sheekhu iyagoo aan waxba is yeelin. Waana taa arrinta mucjisada siyaasadeed noqonaysa.

Rabbi qofkasta wuxuu siiyay hibo u gaar ah,taasoo ummaddu ku ammaanto ama ku majeerato waxaan’se dhammayn waayay hibooyinka tiro-beelka ah ee uu ilaahay ku mannaystay Aadan Xasan Aadan “beloloo,” qaar ka mid ah aan soo qaato.

  • Qalin maalnimo ; Qiimaha qalinku leeyahay marka aynu isku raacno ayaynu uga gudbidoonnaa (Qalin maalnimada) hal-abuurkii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame “hadraawi” heestiisii (Heedhe Sahraay) wuxuu yidhi:-

Qalinkaa wax suureeya

kugu sima halkaad doonto

Saaxiib kal furan weeyi

Sunto faro ku hayntiisa.

Mar kale waa kii Cabdi-silimoo lahaa, wixii la qoraa quruumo hadhee, muxuu haddal qiimo leeyahay?! Meerisyadaa tixda ah intaa haddaan kaga nimaadno. Waxaan filayaa in badankeennu aynu ka dharagsannahay qiimaha qoraalka, qoraalkuna waa wax aad iyo aad u adag. bulshooyinka adduunka qalin maalku qiimo weyn ayuu ku dhex leeyahay, wallow aad moodo in bulsho weynta Soomaaliyeed aanay wali dhaadin mudnaanta Qoraaga.

Su’aasha kowaad ee maankayga ku soo dhacday ee aan filaayo in ay jawaabta u baahan tahay waa Aadan Xasan Aadan “beloloo” waa qoraa noocma ah?

Haltabiye/Turjumaa :- Aadan Xasan Aadan maaha qoraa kaliya ee sidoo kale waa haltabiye rugcaddaa ah oo ku soo haltiya laba luuqaddood oo kala ah (Ingiriis iyo Carabi) Inta ogaal kayga ah buugta uu soo hal-tabiyay waxaa ka mid ah buugga la yidhaa;

  • Hadhkii madoobaa; oo ah riwaayad af Carbeed ku qoran oo uu Aadan si farshaxannimo leh afkeenna hooyo ugu soo haltabiyay. Buuggan oo ka kooban 257 bog, waxaa lagu daabacay sannaddii (2008) dalka Djibouti.
  • Fatuux Al Xabasha; oo isna af Carbeed ku qornaa waxaa soo haltiyay Aadan, buugganni waxaa qoray ninkii magaciisa la odhan jiray; shihaabud-Diin Axmed Bin Cabdulqaadir Bin Saalim Bin CIsmaan, buugganni wuxuu ka warramayaa dagaalladii iyo duullimaadyadii waaweynaa ee uu imam Axmed Guray hoggaaminayay horraantii qarnigii 16th. Buuggan oo ka kooban 459 bog, waxaa lagu daabacay sannaddii (2008) dalka
  • The Heart of the war; buuggan oo ku qornaa luuqadda ingiriisa waxaa isna soo haltabiyay ama soo minguuriyay si ummadda soomaaliyeed ugu faa’iidaysato Qalin maal Aadan Xasan Aadan “beloloo” magaca buuggan oo Af-soomaali ku noqonaya (Xeeladaha Dagaalka) ……………………………………………………..

 

 

  • Qalin Maalnimada; qoraa Aadan Xasan Aadan waa xeel-dheere in badan wax ka qorayay arrimaha dhaqanka-Afka iyo Taariikhda, qoraalladiisa haddaan isku dayno inaan halkan ku soo koobno waxaa laga yaabaa in ay buuggaag noqon doonaan laakiin hadda waxaan ugu talo galnay qormo kooban.

 

  • Hal-abuurnimada; inkastoo uu Aadan Xasan Aadan hiddaysanayo hal-abuurnimada, oo ilaa yaraantiisii uu waxtirin jiray, aynu ka soo qaadanno markii ugu horraysay ee uu wax taabbo gal ah tiriyo, waxay ahayd gu’gii 1993-kii.

 

  • Saab-xidh; waa buug uu Aadan Xasan Aadan ku ururiyay diiwaanka maansooyinkiisa, inkastoo halkan aanay ku dhammayn. Buuggani wuxuu soo baxay gu’gii (2005) buuggan waxaa ku jira 39- maanso.

Magacyada maansooyinka uu Aadan Xasan Aadan “beleloo’’ curiyay waxaa ka mid ah;

 

  • Kac talaabso
  • Waa mid arag
  • Abtirsiimo
  • Hablayahow war iga gura
  • Durwaa
  • Sooyaal
  • Darruur yahay
  • Cabasho agoon
  • Waa soo guduutay
  • Dhimbiil
  • Sirta noloshu waa adi
  • Geliya laabtiinna
  • Qaaddirow
  • Halkuu xaalku marayaa ?
  • Maryan
  • Wakhtiyahow
  • Adduunyadan
  • Hadhka soo rogmaday
  • Iqbaal
  • Gooree
  • Canab
  • Shacabyahow
  • Saab-xidh
  • Duni aakhir-saban
  • Dadweynow
  • Qoorteeda yaa sudhi?
  • Dahabo
  • Qarnigii la soo maray
  • Magac la isugu faano
  • Guure habeenaad
  • Gacalle
  • Hibo
  • Qosol qoosni leh
  • Allow
  • Adduun waa baratan
  • Dhagax yahow
  • Saaxiib
  • Daa’uu
  • wuxuu ka kooban yahay 302 bog, Hal-abuur Aadan Xasan Aadan nolosha dhinac kasta waxbuu ka yidhi, bal aan soo qaato, qaar ka midda mawduucyada mulaaxda ah ee diiwaankan ku jira.

Wakhtiyahaw; “raad-raac,buugga saab-xidh,bogga 136-aad,”

Wakhtiyahaw wadaad daacadaan, waayo kuu qabaye

Garaad waafiyaad ii ahayd, ama’se waayeele

Walaal iyo waxaad ii ahayd , waalid oo kala’e

Weli aan xishmeeyaad ahayd, wacad illaahay’e

Waxyi aan rumaystaad ahayd, waaga berigiiye

Waddo iiga weyn baad ahayd, toban wadiiqoode

Guri waasacaad ii ahayd, oo la wehelshaaye

Webi iyo waxaad ii ahayd , waqalka roobaade

Burhaan waaban baad ii ahayd, laga warraaqaaye

Weftigayga waakaad ahayd, cidi wax yeelayne

Waayadan halkeed ii waddaa, waa wariyo yaab’e?

 

Wareer igu riddaa iyo qalbiga, weyrax gelisaaba

Waran igu muddaa iyo falaadh, igu wareentaaba

Wadhaf sida walaac soo wahsaday, igu wabsiisaaba

Walbahaarka waabayda kulul, igu walaaqdaaba

 

Waadaan an soo daray xadhkaha, kala walxaysaaba

Kolba weysadaan qabo waswaas,waalan gelisaaba

Dedaal aan horow waday wax kale, igaga wiiqdaaba

Wanaaggiyo wacnaantii an rabay, iga wax-yeeshaaba

Wadkii uun inaad soo waddana, waaxidkaa garane

Wakhtiyahaw maxaan kaa wataa, waa wariyo yaabe?

 

Waxtarbaan sugaayee miyaad, walacsi doonaysay?

Miyaad shalay warqado iiga sidin, wabarro ii yeedhay?

Miyaan shalayto uun soo waddicin, wadarta aan sheegto?

Miyaad odhan wanaag soo socdoo, waari baa jiriye?

Aroos loo wilwili doonto iyo walad intaad laabto

Miyaad odhan wax soo baro, cirkaa la iska wacayaaye?

Waddan aan horow arag miyaad, igu waliimaynin?

Maantana xageed ii waddaa, waa war iyo yaab’e ?

Waxtar baan sugaayee, miyaad walacsi doonaysay?

Warti baan roggaayee, Maxaad wahabka ii saartay?

Ma anaa wajaqe doonayoo, waajib gudan waayay?

Waddadii kamaan weecan iyo waayo baradkiiye,

Warshaddaan u soo dhoofay baan wali sameeyaaye

Duruus waafiyaan waa beryaba kala wardoonnaaye,

Wacays baan qabaa ye adaa waalay dunidiiye,

Wadnahay dhaq-qaaqoo haddeed waw – ya lagu reebye,

……………..

 

 

  • Kac-talaabso “raad-raac,buugga saab-xidh,bogga 20-aad,”

NInka taagan meeshoow, maxaa tuurka kugu joojay?

waxan uu tareenkii ka tagay,sow tolkaa maaha?

Taariikhda waxaan meel ka galin, sow tolkaa maaha?

Wax takooran oy cidi tabayn, sow tolkaa maaha?

Tawaawaca raggaa aan korin, sow tolkaa maaha?

Waxa dayn la wada tiicayaa, sow tolkaa maaha?

Waxan xaajadood toocsi tahay, sow tolkaa maaha?

Waxan tuug xadaysaa u talin, sow tolkaa maaha?

Shacab tororogleeyaa cidlada, sow tolkaa maaha?

Talo kale ha joogtee dadkan taraq samaynaynin waayay,

Tukhun iyo dad aan beeranayn, timirta geed keeda,

Oo turub ciyaaroonan rabin, tacab inuu gaadho,

Hadduu tanag ka liicana, dad aan toosin g aranayn,

Dunta niman tidcaynoo hu tolan, sow tolkaa maaha?

Iyagoo tabtaabsiya dad aan soconnin taagtooda,

Inay madaxa taaj wada gashaan, niman ku taamaaya,

Isku joog inay wada toshaan, niman ku taamaaya,

Tagsi jiidan inay wada helaan, niman ku taamaaya,

Tiifii inay wada galaan, niman ku taamaaya,

Sixini toolka inay wada dhigtaan, niman ku taamaaya,

Tukaanley inay wada noqdaan, niman ku taamaaya,

Ama taajirriin wada noqdaan niman ku taamaaya,

Tilifoon inay wad gataan, niman ku taamaaya,

Inay wada taqsiimaan caleen, niman ku taamaaya,

Tubaakiyo sigaarna cabaan, niman ku taamaaya…….

 

 

…………..

COMMENTS
LINKS