Gudaha ka akhri; maansada GuRACAN Abwaan Mohamed Jama Hussein | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudaha ka akhri; maansada GuRACAN Abwaan Mohamed Jama Hussein
April 21, 2015 - Written by Editor:

Waan salaamayaa dhamaan reer soomliland oo dhan. saaka waxaa ku soo toosay nabad,waxaan u kalahay meel ilaa 50km u jirta meeshaan’daganay,intaan baska sii saarnaa waxaan furay buug ka mid ahaa buugaagan sitay,waxa igaga soo baxday maanso aan qoray 12-01-2015ka oo layidhaa (GURACAN)waxay ka sheekaynaysaa gurac badan oo markaad aragto aanad habi ku noqonay,balse buuq iyo dagaal kugu furaya.bal ila eeg maansadan:

11157947_10153012506379442_551495453_n
MA GUUSHII UMADAYDA
AYEEY AFAR GAAR U XIDHEEN
MA SIYAASI GUNOO
GINIYUUN TABCANAAYA
GURACANTUU KA TAGAAYO
OON GARANAYN GAMASHIGAY SABABAYSO
GADIISUUN KA WATA
BALSE AAN GARANAYNIN
GUHAADAY KU ABUURI
GAM’LAAN SABABAYSO
GEESIGII DHULKAAN JOOGAY
GARASHADII UGU DEEQAY
GANTAALKAY KU TAHAY
IYO GABIGEED UMADAYDII
GADHLE DHAAF HADALKIIYOO
GABDHIHII HALGAMEEN,
MIDKALAA GURACAN
GOBIGOODBA DADKAYGU
GUUSHII AY SABABEEN
EE ILAAH BAA GAR YAQAANE
KA GAALADA AFYAQAANA
IYO KII GEELA LA JOOGAY
IYO KII GINIYUUN TABCANAAYEY
IYO KII GAADHIGIISA WATAY
GURIGIISUUN NI YAQAANAY
IYO KII GALAAYAY ISKUULKU
GABIGOOD HALGAMEEN
MIYAANAY GURACNAYN
GUUSHAA UMADAYDA
NINKA GAAR U AFDUUBAY,
MIDNA WAA GARE HOOYOO
ANIGOO UMADII AH
ANIGU AAN GARTO KII
MARKII AY GABATAY
GEESKAA ISKU TAAGAY
EE ISAGU AAN GABANIN
ISKU TUURAY DABKII
GEESTIISII HOLCIYEY
EEN HAGRANIN EE U HURAY
U HIBEEYAY NAFTII
MIDNA WAA GARE HOOYOO
GEESTUU DOONO HA JOOGEE
INTII NOO GUNTANAYD
GABIGOOD UMADAYDA
GEESIYAAL IGA DHEH,
MIDNA WAA GARE HOOYOO
ARDAYDII GUNTANAYDEE
MARKII AY KU GARTEEN
GURACII DHULKA YIILAY
GIL-GISHAY EE LADIWAAYEY
EE GEEDAY DOONTO HA FUUSHEE
GARTAY EE ISLA QAATAY
GUNI WAA WAX LA DIIDEE
EE GO’AANKOODII KU QAATAY
MAAMULKAA GURACAN
GABIGIIBA RARAAN
EE IYADOO GUMAC QIIQI
GABASHADII ISKA DIIDAY
IYABA WAA GOB-ILLAAHE
GEESIYAAL IGA DHEH,
MAANIGAA GAYA MAANTA
GAADHIGAAN KA DEGAY
ISAGOO GABI BUUXA
OO SHANTA GEES KU DHANTAY
MARKII AAN GARAN WAAYEY
GEESTA AY U SOCDAAN
GABIGOODBA DARAASAD
KA GUNTEEN XAFIDAY
ISAGOO GALAN’GAL
GAWRACUUN KA SOCDO
MANIGAA GAYA MAANTA
ANIGOO GUGAYGII IDLEEYAY
GAYIGAYGII DHEX-JOOGA
GABI AAN XOR NAHAY
GAADHIGAA TAQASHOOBAY
MA GUN BAAN OOD imooday
MANIGAA GAYA MAANTA,
MAANIGAA GARTA MAANTA
IYADOO GABIBA LAYAQAANOO
ISKA DHAAF GAYIGAYGOO
GALADII HALGANKAYGA
GARTII AY DAMAQDOO
BAARLAMAANKOODII GUHAADIN
GARTII QAATAY OO ADEECAY
BALSE GURIGOODA KA RIIXOO
GAADHIGAA U KIRAYSAN
GABIBA AFRIKAANKA
GEESTIISAA U YAR RIIXAY,
MANIGAA GAYA MAANTA
MANIGAA GINI QAATA
OO GARTAYDII CUYUB-YEELA
GACANTAY ISKU LOOGA
MANIGAA GAYA MAANTA
GIRIYAADKAAD ARKAYSO
GUYAASHII INA DHAAFAY
ANIGOO KU GADOONSAN
GUULUHU UU IGU QUUDO
IYADOO GAYIGAYGU
GABI UU DHISAN YAY
GUURTIDAYDII HAGAYSO
MAANIGAA GAYA MAANTA
IN AAN GAAJO CABSOODO
GURIGAY HAGI WAAYO
GAADHIGAAN KA DEGEY
ANIGOO GOBA MAANTA
GAYIGAYGII IFAAYO
MAANIGAA NIN GADAALA
GARANAYN WIXII GAADHAY SHALAYTO
GOBAADAYADII ILOOBA
GACANTAA KU SHUFBEESHAY
ILAYN WAAD GARAN WAYDAY
WIXII LOO GOLAAHAA IYO
SHARFTII GOBI LAYD,
MANIGAA GINI QAATO
ARLADAYDA KA GIIGA OO
GURI AANAN LAHAYN
MANIGAA KU GAMAAYA
GUUSHU WAA ARLIGAYGA
GARASHADA UMADAYDA
GEESAY DOONTO HA’AADO
GARBADAY DOONTO HA FUUSHO
MAR HADII GAYIGAYGA
UMADAY GARATAY
GARABKAY WADA YIIN
GUUSHU WAA DHINACAYGA
GAYIGAYGII WAKAASE
GAADHIGAAGA KAXAYSOO
OO HAYGU SOO GARDAROONE
GARO OO MAAMUL DHULKAAGA
IYO GEESTAA XAMARTAADA,
GOBTU WAA NIN DHULKIISA
GALIYA QUWADIISA
GACANTII U HURA
U GAAJOODA OO KU LADA
GEESNA AAN U KICIN
GARASHADII UGU DEEQA
GABANIN OO MUTAXAN
GADHLE XAASHI SIDIISA
IYO GABANADAA LA SOCDA
IYO GEESHKAA XOOGA LEHEE
GARABKII WADA NEE
GARASHO AY KA MIDYIIN.
maansadan oo ka kooban 140-sadar dadka suuganta iyo dadka xiiseeya arimahan aan ka hadlayo sii share gareya.
hadaad doonto in aad wax iga waydiiso maansadan soo garaac +27788463403 ama gaadhhaye1989@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS