Golaha wakiilada somaliland oo maanta ansixiyay wasiirka warshadaha iyo xubno kale oo madaxweyne siilaanyo dhawaan magacaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha wakiilada somaliland oo maanta ansixiyay wasiirka warshadaha iyo xubno kale oo madaxweyne siilaanyo dhawaan magacaabay
April 26, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Fadhigan maanta ee Golaha wakiilada oo uu Gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax kana soo xaadireen 46 mudane ayaa ajandihiisu ahaa in loo codeeyo wasiir iyo wasiir ku xigeen uu soo magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Mr. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa mudaneyaasha u  akhriyay Digeetadii magacaabista iyo Cv-yada labadan Masuul.

Intaas kadib waxa uu Goluhu Gudo galay codaynta masuuliyiintan oo u dhacday sidan soo socota:

  1. Shucayb Maxamed Muuse, Wasiirka Wasaarada Warshadaha

waxaa ogolaaday in la asxiyo 44 mudane, Waxaa ka aamusay 1 Mudane, cid diiday ma jirin Gudoomiyuhuna ma codayn sida caadiga ah.

  1. Maxamed H.Aadan Cilmi, Wasiir kuxigeenka Wasaarada kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Waxaa ogolaaday 45 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin Guddoomiyuhuna ma codayn sida caadiga ah.

Sidaas ayuu kusoo xidhmay fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladu.

 

COMMENTS
LINKS