Faah faahinta Khasaare Culus Oo Ka Dhashay Weerarka Al-shabaab Ku Qaaday Jaamacadda Gaarisa Iyo Hawlgal Socda . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faah faahinta Khasaare Culus Oo Ka Dhashay Weerarka Al-shabaab Ku Qaaday Jaamacadda Gaarisa Iyo Hawlgal Socda .
April 2, 2015 - Written by Editor:

Gaarisa (Wajaalenews)- Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 70 kalena way ku dhaawacmeen weerar ururka Al-Shabab ku qaadeen Jaamacadda magaalada Gaarisa, halkaas oo ay weli ku haystaan dad badan.

khasaaraha-gaarisa

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Ole Nkaissery, ayaa xaqiijiyey in ay 70 ku dhinteen ilaa hadda hawlgal la doonayo in lagu soo afjaro weerarka dablaydu ku haysato jaamacadda Gaarisa kaasi oo weli socda, iyadoo dableyda gudaha ugu jirta dhismaha jaamacadda oo ay ku dhex haystaan arday aan tiradooda si rasmi ah loo ogayn.

Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay sheegtay in la dilay 4 ka mid ah dablaydii weerarka ku qaaday jaamacadda, isla markaana xubno kale weli gudaha ugu jiraan jaamacadda oo ay dad ku haystaan. Waxa kaloo la shaaciyey in dawladdu bandow soconaysa 6:30pm – 6:30am ku soo rogtay magaalooyinka Garissa, Mandera, Wajir iyo Tana River.

Ciidamada amniga ayaa ku hareeraysan jaamacadda, waxaana socda howgallo ay doonayaan inay gudaha ugu galaan kuna soo bad-baadiyaan dadka ku jira Jaamacadda.

Ilaa 50 arday ayaa laga soo bad-baadiyay weerarkaas sida ay sheegtay Laan-qeyrta cas ee Kenya, waxaana laga cabsi qabaa in kooxdaas hubeysan ay halkaas ku afduubeen arday kale oo badan.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka jaamacadda Gaarisa oo bilaabmay waaberigii hore ee Khamiistii abbaaro 5:00 subaxnimo, waxaanay magaaladani bartilmaameed u ahayd weerarro xidhiidh ah oo Al-shabaab ku qaadaysay Kenya tan iyo markii ciidammada dalkaasi gudaha u galeen dalka Soomaaliya sannadkii 2011.

COMMENTS
LINKS