E-mail-ka Gaarka ah Ee Madaxweyne Obama Oo La Jabsaday Iyo Waxyaabo Xasaasi ah Oo Laga Xaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
E-mail-ka Gaarka ah Ee Madaxweyne Obama Oo La Jabsaday Iyo Waxyaabo Xasaasi ah Oo Laga Xaday
April 26, 2015 - Written by Editor:

Washington:(Wajaalenews)-Wararka laga helayo Aqalka cad ee Dalka Maraykanka, ayaa sheegaya in Kooxo Budhcadda Kombutarrada jabsata ahi u dhaceen E-mail-ka uu gaarka u leeyahay Madaxweyne Obaba, waxana Arrintaas wax ka qoray Wargeyska New York Times.

W Wargeysku qoray, ayaa intaas ku daray in kooxani yihiin kuwii hore weerarka ugu qaaday Computers-ka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, waxana arrintaas fadhiyo kala duwan ka leh Khubarada Internet-ka ee Aqalka Cad.

Budhcadda Internetka (Hackers) ayaa la sheegayaa in heleen keydka Emailada Madaxweynaha Maraykanka, liiska dadka uu sida joogtada ah ula xidhiidho, fariimaha uu direy iyo kuwa uu heleyba, jadwalka safaradiisa iyo weliba xogo kale oo xasaasi ah.

Masuul u hadley Aqalka Cad ayaa sheegaya in aanay jirin wax ka marag kacaya in waxyaabaha la jabsadey ay kamid ahaayeen Email-ka Madaxweynaha.

Aqalka Cad waxaa hore looga sheegay in Hackers Ruushan ah ay u soo dhaceen, waxaana ay dhacdey dhamaadkii sanadkii hore 2014.

Budhcada Internetka (Hackers) ee fadhigoodu yahay Ruushka lana sheegay inay xidhiidh la leeyihiin dowlada Ruushka ayaa la sheegay inay u suurto gashay inay xog kala baxaan computerada Madaxtooyada Maraykanka.

Ruushka ayaa bilowgii bishan Abril iska fogeeyey in ay jirto weerarka lagu qaadey Computers-ka aqalka cad, waxaana afhayeen u hadley Ruushku yiri isaga oo wax xun ku tilmaamaya in dhanka Tiknoolajiyadda la iska weeraro

“…Waayadan danbe waxaa Caado laga dhigtay in Wixii xunba dusha laga saaro Ruushka….”

Weerarka dhanka Tiknoolajiyadda iyada oo la marayo Internetka oo loo dhaco, Telefoonada oo la dhegaysto waxa uu ahaa mid si weyn caalamka ugu soo badanayey muddooyinkii danbe isla markaana Dowladaaha waaweyn ay ku lug lahaayeen. Dalka Shiinaha ayaa isaguna iska leh koox Hackers ah kuwaas oo soo xada xogaha Shirkadaha waaweyn ee ganacsiga.

Xiddhiidhka Maraykanka iyo Ruushka ayaa heerkiisi ugu xumaa maraya tan iyo markii uu dhamaadey dagaalkii qaboobaa.

 

 

COMMENTS
LINKS