Doorasho way Dhici iyo Dhici Mayso !!Qalinkk :Xuseen siyaad cilmi {mataan] | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorasho way Dhici iyo Dhici Mayso !!Qalinkk :Xuseen siyaad cilmi {mataan]
April 17, 2015 - Written by Editor:

Waxa badatay waayadan danbe isku khilaafka la isku khilaafsan yahay wakhtiga ay dhici doonto doorashada dalku sidoo kale waxa halhays u noqotay xisbi xaakimka talada haya iyo xisbiyada mucaaridka “doorasho way dhici iyo dhici mayso “waxa sharci daro ah in lagu murmo oo la isku qabsado doorasho aan wakhtigeedii aan gaadhin marar badan ayaa xisbiyada mucaaradku ku hanjabeen in marka ay gaadho wakhtigii ay doorashadu dhici lahayd inay samayn doonaan talaabo ku haboon hadii ay maalin dhaafto, hadalkaa ka soo yeedhay ayaa ay shacabku u dhago taagayaan wixii dhici lahaa ama ay samayn lahaayeen mucaaridku. Dareenkan galay shacabka ayaa ah mid is weydiin iyo dood badan dhalisay iyadoo aad arkayso isweydiinta ay isweydiinayaan shacabku

Madexweynaha talada dalka haya waxa wakhtiga madaxweyninimo kaga egtahay marka la gaadho 26 june hadaba iyadoo sidaa ay tahay ayaa xisbiyada mucaaridku qaylinayaan iiyadoo aanay wakhtigii ka dhamaan waxa haboon marka mudadii loogu tala galay dhamaato inay ka hadlaan oo ay sharciga la tiigsadaan oo ay sifo saxa kula doodaan laakiin hadii ay kasii hadlaaan wakhti aan dhaweyn inay dhiman Allaa oge waa wax laga xumaado waxa isweydiin leh wakhtigii ay madaxweynaha ka dhamaan lahayd imisaa ka hadhay?? Miyay gaadhay ?? mucaaridku ma sifo qaldan ayaa ay ku doodayaan mise sifo saxa ???

Waxa iyaduna jirta xukumadu maaha inay meer meer iyo af macaanayn ay ku qanciso mucaaridka iyo dadka shicibkaba laakiin waxa haboon inay bayaan cad ay ula timaado oo ay hordhigto si loogu qanco oo looga baxo madmadawga maah maah soomaaliyeed ayaa tidhaahda “ wixii la qariyo qudhun ayaa ku jira “ waxa haboon in si wanaagsan oo qanacsan loo qanciyo, markaa iyadoo aysidaa ay tahay waxaa wanaagsan in mugdiga laga baxo oo banaanka wax cad la keeno ,way muuqataa oo waa la ogyahay inay xukuumadu doonayso in doorashadu dib u dhacdo oo meesha timaado mudo kordhin hadaba maxaa loobaahan yahay in lagala hortago ?waa iyadoo wakhtiga ay ka dhamaanayso la sugo wixii imaadana si cad loogu dooda markaas ayaa la isbaran laakiin hadii cidlo laga sii qayl qalyo oo dadka la sii wareeriyo hadhawna waxa la odhan waa kuwii wax matarayaasha ahaa

Gaba gabadii mucaaridka waxaan leeyahay inay la imaadaan mucaaridnimo adag oo go’aan iyo wax goosi leh ,xukumada talada dalka haysana waxaan leeyahay iyadana inay dadkooda ay la hor imaadaan wax cad oo laguwada qanco waxa lagu jiraa wakhti doorasho oo adag markaa bayaan lagu wada qanco keenaa .

 

Qoraa :Xuseen siyaad cilmi {mataan]

peac143@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS