|
|||||
WAJAALE NEWS
“Dib U dhaca doorashada Xukuumadda Cidi Lama Wadaagto, Madaxtooyadduna Waxay u Eeg Tahay Maxbuus Siyaasadeed Oo Wakhtigu Garbaduub U Xidhay”Dr culimo
April 14, 2015 - Written by Editor:“Xukuumadda lalama wadaago dib u dhaca doorashadda, waana dembi qaranka laga galay. Qabashadda doorashadu waxay ahayd qodob dastuuri ah oo madaxweynuhu ku dhaartay fulintiisa. Xukuumaddu marna si daacad ah ugamay shaqayn in dalka doorasho ka dhacdo 2015. Waxaa muuqata in xukuumaddu si dadban iyo si toos ahba u hagratay qabashada doorashooyinka iyo dardar galinta shuruucdii ay u baahnaydba. Way dhici karaan duruufo dabiici ah oo dib u dhaca keeni kara , hasayeeshee ma muuqdaan wakhtigan. Maansaddii Aakhiro warbaa jira ee Ibrahim Gadhle, waxaa ku jiray, “ Waxaan odhanayaa maye, axdiga iyo dhaartii? Waxaan odhanayaa maye, I igmadda kuwii yidhi? Waxaan odhanyaa maye, ididiiladii shalay iyo ulashadeenii? Iyadda oo dalkii barri iyo galbeedba ka ololayo, badhtamihiina qiiqii qabyaaladdu cirka isku shareeray. in madaxtooyaddu isku diyaariso damaashaadka mudo kordhintu maaha astaan muwaadinimo iyo mid masuuliyaddeed midna. Xaalka dalku wuxuu iila eeg yahay , “Deylooy laxdeenani, dar Allay ku socotaa” Maansaddi Ergo ee macalin Gaariye(1992) waxaa ka mid ahaa: “ Aflagaadana maaha, Haddaan maanta idhaahdo, Odayaashi la doortay, Anigoon kala reebin, Irbad dhuub galin waaye, Iskadaa waxkaleetoo, Amnina noo sugi waaye”. Siyaasiyiinta asal madoorshayaasha ah oo halka ay joogaana waxba tarin, halka ay ka maqan yihiina laga tabin, ayaa u haysta inay darajooyin ku helayaan dib udhaca doorashadda. . Dhanka kale, khudbad sanadeedkii madaxweynuhu may taaban arrimaha xasaasiga ah ee nolosha dadka saamaynta weyn ku yeeshay sida musuqmaasuqa, qabyaaladda, tahriibka hooyooyinkeen goblanka ka dhigay, nolosha iyo maceeshadda bulshadeena ee qaaliga noqotay, abaaraha iyo shaqo la,aanta baahsan ee dalka ka jirta. Ka hadalka xaaladda Yemen waxaa igala haboonaa ka hadalka xaaladda Awdal, qancinta Bariga Sanaag iyo u bushaareynta reer Sool.. Waxaa dhaliisha ugu badan lahaa sida uu madaxweynuhu uga hadlay arrimaha cadaaladda iyo garsoorka. Gebo gabaddii, duruufaha inagu gedaamani waxay madaxtooyadda ka dhigeen sida maxbuus siyaasadeed oo wakhtigu garbaduub u xidhay”
Qalinkii Dr Culimo
Related posts:Daawo: Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Gurigiisa Ku Booqdey Abwaan Baarleex Oo Xaalad Caafimaad U Ji... Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii... Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Oo Salaadii Ciida Shacabka Kula Tukaday Maskid Jaamaca Hargaysa! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|