|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhaliilaha Maamul Ee Dul hoganaya Badhasaabka Gobolka Gabiley.
April 24, 2015 - Written by Editor:GABILEY(Wajaalenews) FAALO;Wanqalkii Gobolnimada Gabiley ayaa ku beegan 25/08/2008 waxaanu madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin usoo magacaabay Badhasaabkii ugu horeeyay Ee Gobolka Gabiley yeesho Maxamed Axmed AW cabdi (xabiib) Badhasaabkaasi ayaa lagu xasuustaa guulo badan oo uu kasoo hooyay dhanka adeegyada aasaasiga ah iyadoo aynu ka xusi karno guushii uu ka soo hooyay in gabiley biyo ku filan hesho isagoo madaxwaynihii hore ee rayaale ku garab istaagay soona siiyay riigii lagu qoday biyaha ceelasha botoreed iyodoo dadwaynaha hayadaha gargaarka iyo dawlada hoosana iska kaashadeen biyo galintii magaalada gabiley markale waxaa lagu xasuustaa, aas aasida jaamacada gabiley ee TIMACADE UNIVERSITY Sidoo kale waxaa lagu xusuustaa bilowga maamul dawladeed oo heer gobol iyo heer degmo ah oo isku si wax u arka waxaanu dadaalo badan ka galay la dagaalanka aafada musuq maasuqa oo ah dhibta ugu wayn ee haysata maamulka dawlahada hoose balse nasiib daro wuxuu badhasaabkii Maxamed Axmed Aw Cabdi Xabiib xilkii iska casilay markii madaxwaynihii magacaabay laga guulaystay tartankii doorashada madaxtinimada dalka xukunkana la wareegay madaxwayne siilaanyo, intaa kadib waxuu xilkii badhasaabnimo iskaga danbeeyay shan masuul balse gabi ahaantoodba Gaadhsiin kari waayay guulahaa taariikhda ugalay gudoomiyihii ugu horeyay ee gobolka gabiley sidoo kale badhasaabkii lixaad wuxu madaxwayne Siilaanyo usoo magacaabay Mustafe Cabdi Ciise (shiine) iyadoo si qoto dheer diirada u saari doono dhaliilaha muga leh ee ka muuqda xilkii uu igmaday madaxwaynaha somaliland Axmed Siilaanyo balse si aad ugu aragtaan dhaliilaha dulhoganaya badhsaabka gobolka gabiley aan hoos ugu dhaadhacno 1; Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise inkasta oo uu yahay nin dhalinyaro ah dhawaana ku biiray bahda Qurba jooga waxaa lagu tilmaama nin bulsha waynta gobolka gabiley ka oodan kana xidhxidhan xidhiidh toosana la lahayn marka laga reebo dhalinyaro ay saxiib yihiin oo magacyo u bixiyo 2;Gudomiyha Gobolka Gabiley waxaa lagu tilmaamaa mid socod barada oo ay hogaamintiisu curin lahayn oo aan waxna soo kordhin sidoo kale waxaa lagu tilmamaa masuul aan dareen wadaniyadeed lahayn kana dhiidhiyin si deg degana uga jawaabin qaladaadka hortiisa ka dhaca 3; Inkasta oo ay miisaniyada Golaha Deegaanka Gabiley ugu dareen kharash gaadhaya 15milyan bilkasta waxaa marag madoona in aanay badalkeedii bulsha waynta gabiley ka helin gaar ahaan uu gaabiyay daba galka iyo kormeerka xafiisyada wasaaradaha iyo hayadaha dawlada oo intooda badan xafiisyadooda aan la furin, 4;Sidoo kale magaalo ganacsiga Wajaale waxuu ka helaa kharash gaadhaya 5milyan bill kasta oo itaalkeeda ku culus waxayna bulsha waynta Tog Wajaale iswaydiinayaan waxqabadka Badhsaabka Gobolka Gabiley 5;Badhasaabka Gobolka Gabiley waxaa si gaara loogu dhaliilaa laguna tilmaamaa masuul karti yar oo ka gaabiyay in uu xidhiidh maamul iyo wada shaqayn la yeesho maamulada xuduudaha ee gobolka au xuduuda wadaagaan ee dhanka Itoobiya 6;Badhasaabka gobolka gabiley waxay dad badani ka aaminsan yihiin masuul indhaha ka qarsaday kana gaabiyay caawinta beeralayda iyo xoola dhaqatada colaadaha sokeeye uga soo cararay deeganada Waqooyiga Gabiley sida Seemaal,Ceelbardaale iyo Buqdhada 7; Badhasaabka Gabiley waa masuulka kaliya ee deegaanka uu xukumo ku tilmaamay meel laga ducaysto markii loo soo magacaabayna aad looga dardaar wariyay balse akhristayaasha ayaase sheegi doona bulshada Gabiley iyo Badhasaabka Mustafe SHiine midka duco mudan LA SOCO QAYABAHA DANBE OO AN KU SOO QAADAN DOONO QODOBO KALE OO MUHIIMA
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|