Dagaalkii Labaad: Guuldaradii Qadhaadhayd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaalkii Labaad: Guuldaradii Qadhaadhayd
April 19, 2015 - Written by Editor:

5:30 subaxnimo 10 bishii janaury sanadkii 1940-kii Ciidamada jarmalku waxay bilaabeen duulaankii ay ku qaadeen Dalka faransiiska

ciidamada baarashuudka ku booda ee dalka jarmalku waxay ku soo daateen ciidda dalka Holland, waxaana markiiba dagaalka galay hal milion oo askari oo ka mid ah sadexdii milion ee askarta jarmalka ahaa ee weerarkaa qaaday, kuwaasoo dhaqaaqooda looga dan lahaa in lagu majaro habaabiyo saraakiisha sare ee ciidamada faransiiska oo aan fahmin khiyaamadii hitler u sameeyey kaartadiisa dagaalka, iyagoo saraakiisha faransiisku  u qaatay in ciidamada jarmalka ku soo jihaysan yiiin dhanka Dalka Biljum-ka si ay docdaa uga weeraraaan dalka faransiiska, sidii ay horeba u sameeyeen sanadkii 1914-kii. taasina waxay keentay in General- Gamlien oo hogaaminayey ciidanka faransiisku uu dejiyo kaarto uu kaga hortageyo ciidamada jarmalka ee weerarka soo ah.

https://youtu.be/h6cP-PN3sz4

 

 

COMMENTS
LINKS