DAAWO;Marwada koowaad ee madaxweynaha Somaliland Marwo aamina sheikh maxamed jirde shacbiga Somaliland kala qaybgashay Ololaha Nadaafada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Marwada koowaad ee madaxweynaha Somaliland Marwo aamina sheikh maxamed jirde shacbiga Somaliland kala qaybgashay Ololaha Nadaafada Somaliland.
April 7, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Maanta oo ahayd maalinta ololaha nadaafada oo dalkoo dhan laga fuliyey ayaa waxa qaybteeda ka qaadatay marwada madaxweyanaha jamhuuriyada Somaliland

Marwo aamina weris sheikh Maxamed Jirde iyada oo ololaha ka bilawday inta u dhaxaysa madaxtooyada ilaa dhakhtarka wayn taasi oo ay kala qaybqaadatay dadweynihii iyagu halkaasi ololaha ka waday oo ay hormood u ahaayeen shaqaalaha wasaarada hacaafimaadka iyo maaliyada kuwaasi oo ay hogaaminayeen Masuuliyiinta iyo wasiiradada wasaaradahaasi.

IMG_0187 IMG_0135 IMG_0121(1) IMG_0108 IMG_0101 IMG_0063 IMG_0045

Marwada madaxweyanaha oo intii hawlaha nadaafadu socdayf ariin u dirtay shacabka iyo haweenka Somaliland ayaa warbaahinta u sheegtay oo ay tidhi.

“maanta waa maalinta aynu u astaynay nadaafada qaranka oo dalka oo dhan laga fulindoono, waxaa muhiima in yar iyo wayn madax iyo shiciba aynu ka wadaqayb qaadano ololaha nadaafada , hawshani aynu wadnaa waxa ay muhiim u tahay caafimaadkeena iyom uuqaalkeena oo hadaynu markasta sidan uga shaqaynayno ay aad u wanaagsan tahay, waxaan leeyahay dhamaan haween waynaha jamhuuriyada Somaliland ku dadaaala nadaafada guryihiina hortooda si aynu u noqono kuwa bilicdoodu wanagsan tahay , inshaallah hawshan wayn ujoogtayn doonaa oo bilwalba todobadeeda waynu isu soo bixi, inta kalena dawlada hoose ayeynu ku dhiirigalin inay ka shaqayso, waxaan ku soo gabagabynayaa , daawanaayow waa dalkaagii” markii ay marwadu hawlihii ololihii nadaafada soo dhamaystay waxa ay kormeer guud oo ay ugu kuur galayso xaaladooda iyo hawlahooda sida ay yihiin ku tagtay cusbitaalka guud ee hargaysa, halkaasi oo ay soo kormeertay guud ahaan cusbitaalka, ka dibna waxay ku soo noqotay Qasriga Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS