|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Dad Ka Kaxaystay Deegamada Coodale Iyo Buuhoodle
April 3, 2015 - Written by Editor:Burco(Wajaalenews)Wararka naga soo gaadhaaya degaanka Buuhoodle ayaa sheegaaya inay degaanka Coodale soo gaadheen maanta ciidamo Ethiopian ah,halkaasna ay ka qab qabteen rag hubaysan oo kasoo jeeda labada dhinac ee beelaha halkaasi ku diriraaya. Wararka ayaa sheegaaya in dhinaca beesha degta Buuhoodle ay ka qabteen ilaa 10 nin ,sidoo kalena ay dhinaca beesha Qorilugudna ka qabteen 5 nin,loona qaaday dhinaca magaalada Jig Jiga,sidaasna waxa arintan xaqiijiyey dad degaankaasi ku sugan. Iyada oo ay maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ka dhacayeen dilal kala duwan oo ay labada beeloo kala geysanayeen ayaa la sheegayaa inay sidoo kale maleeshiyo beeleed tiro badani labada dhinacba soo gaadheen,mana jiro cid cuqaal ah oo halkaasi waan waan ka wadaa.
Waxa degaanka Qorilugud ku sugan cuqaal uu hogaaminaayo Suldaanka Guud ee beelaha Barriga Burco iyo cuqaal kale oo tiro badan,kuwaas oo halkaasi u tagey inay xaaladaasi qaboojiyaan,iyada oo ay hore u sheegeen wax garad kasoo jeeda degmada Qorilugud in aanay beelaha Buuhoodle diyaar u ahayn nabad halkaasi ka islaaxda.
source:waaheen Related posts:Jabuuti Oo La Wareegaysa Badi Xoolihii Ka Dhoofi Jiray Dekeda Somaliland, Iyo Halista Dhaqaale Ee So... Daawo:Gudidii Heer Qaran ee Dajinta Sixirbararka Oo Kulan Jilbaha Isku Dhigay Ganacsatada Kala Duwan... Daawo:Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Goor Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dheceen Soo Bandhigtay Ti... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|