Ciidamada Bada Ee Dalka Iran Oo Weeraray Markab Ganacsi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Bada Ee Dalka Iran Oo Weeraray Markab Ganacsi
April 28, 2015 - Written by Editor:

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Iran oo lagu magcaabo  MV Maersk Tigris ayaa rasaas ku furay markab ganacsi oo marayay gacanka Khaliijka, kadibna ciidamada badda ee wadanka Iran ayaa gudaha u galay markabkaasi.

markab Iran

wakaaladda wararka Faris ee dalka Iran laga leeyahay ayaa sheegtay in markab dagaal oo Iran leedahay uu gacanta ku dhigay markab laga lee yahay dalka Maraykanka oo maraysay gacanta Hormuus.

Ciidanka badda Iran ayaa la sheegay in ay rasaas huwiyeen markabkaasi oo ay ku tilmaameen mid laga Leeyahay  Maraykank, waxaana la sheegay in  Markabkaasi ay u  leexiyeen  dekedda Bandar Abbas ee wadanka Iran.

Wargayska Al-Arabiya ee fadhigiisu yahay wadanka Sucuudiga ayaa baahiyay warar la xidhiidha markabkaasi oo sheegaya   in 34 qof oo maraykanka u dhashay ay saaran yihiin Markabkaasi ay Iran weerartay.

hase ahaatee wasaaradda gaashaan dhigga wadanka Maraykanka ee Pentagone ayaa beenisay in maraykanku leeyahay Markabkaasi isla markaana aanay jirin, muwaadiniin Maraykanka u dhashay oo saaran Doonta ay qabsadeed Ciidannka Badda Iran.

Gaashaan dhigga Maraykanka ayaa intaasi ku daray  in markabka ay Iran Qabsatay uu ku safrayay calanka Jasiiradaha Marshall Island.

Iran ayaa dhawr jeer oo hore ku hanjabtay  in ay xidhi doonto marinka cidhiidhiga ah ee Hormuus ee laga galo gacaka khaliijka oo dhereerkiisu yahay 33KM halka ballaciisuna yahay 2 Mile oo kaliya, Iran ayaa sheegtay in ay  kaga jawaabayso cuno qabtaynta ay kusoo rogeen reer galbeedku.

Maraakiibta Dagaalka ee  Maraykanka,Iran iyo Sucuudi Carabia ayaa ku hirdamaya Xeebaha Wadanka Yemen oo xaaladdiisu kacsantahay.

 

COMMENTS
LINKS