Booqashadii Xarunta Ururka Solja, Xeelada Xuuto iyo Xaalada Dhabta ah.! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booqashadii Xarunta Ururka Solja, Xeelada Xuuto iyo Xaalada Dhabta ah.!
April 7, 2015 - Written by Editor:

Laba sano ka hor ayey ahayd markii iiguna dambaysay gelintaanka xarunta ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Solja, xiligaasi oo in badan kamid ah saxafiyiinta Somaliland ee Caasimada degan iyo hawl wadeenada ururku ay halkaasi isugu iman jireen bacdal Qadada.

Guddoomiye-XUUTO-Iyo-Xasan-Maxamed-Yuusuf(1)

Wakhtigaa Xafiiska Ururka Solja waxa uu ahaa mid furan wallow aan shaqo badani kasocon kolkaad ka reebto faalada iyo falanqaynta Galin dambeedka maalinimo.

Saaka ayey ahayd laba sano iyo saayid dabadeed xiligaan booqday Xarunta iyo Xafiiska Urur weynaha Saxaafada Somaliland ee Solja, amin barqonimo ah ayaan ku beegmay anigoo ku lahaa halkaa balan ku wajahan wacyiga iyo waayaha dhibaatada iyo dhitada mihnada Saxaafada oo aniga gaar ii ah xiligan, qaybna ka ah sababaha iyo ujeedada ururka loo aasasay.

Kolkaan kadinka ka galay Xarunta Guud ee Solja oo xiligaas albaabku furan yahay, waxaan gudaha Xayn-daabka Xarunta dhigtay baabuurkaygi waana soo degay.

Kadinka xafiiska kolkaan galayba waxaan indhaha ku dhuftay jawi isbedel iyo jaah ka fog ku aan ku ogaa, xafiisyo siweyn u qalabaysan saxafiyiin dhawr ah oo iskood ugu mashquulsan hawl-maalmeedkoodi iyo qaar kaloo kamid ah dhalinyarada warbaahinta oo iyaguna qaybo kamid ah xafiisyada ku foorara isticmaalka internetka gaar ahaan shabakada madadaalada iyo xog isweydaarsiga bulshada ee lagu magcaabo Facebook, dhankastaba qaybaha xafiiska Solja isbedelka daymada indhaha oo dhinac kasta ku ahaa Cusayb waxay marag madoon u ahayd jawiga isbedel ee ka duwan kii gelin dambeed eek al hore iyo dhawr sanoo tegay.

Mid kamid ah dhalinta saxaafada eek u mashquulsan hawl maalmeedkooda ayaan waxan weydiiyey dhankuu iga xigo xafiiska Gudoomiye Xuuto si degan, degdeguna aanu ka maqnayn wuxuu iigu tilmaamay xafiis markaa igaga beegnaa dhanka bidix kadib waan galay.

Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Mudane Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” oo ahaa shakhsi aanu ku balansanayn ka arinsiga arimo markaasi gaar ii khuseeyey hawshooduna Solja ay u taalay.

Waa Xafiis runtii tacab iyo qalabayn baaxad lehi ay ka muuqatay, kadib soo dhaweynta Gudoomiye Xuuto iyo qaabilaada wada qaxweynta, waxaa Gudoomiyaha Solja mid mid ii soo tusay tirada iyo qaybaha Xarunta Guud ee Solja ay ka kooban tahay, waxaana indhaha soo saaray dhawr qaybood oo xaqiiqiyan runtii laf dhabar u noqon doona saxafiyiinta bahweynta Solja, kuwaaso ay kamid ahaayeen Baktabada Akhriska iyo Barashada Culuumta Saxaafada, qaybta laabka iyo weliba xafiisyada hawl fududaynta shaqada saxafi kasta oo kamid ah Solja ee ka kala hawl gala hay’daha warbaahinta Tv ilaa Website.

Kadib indho-indhayntii iyo soo dhex mushaaxi xarun iyo xafiisyo la oran karo waa yagleelka Solja Cusub himilo wacan waxaa aniga iyo Gudoomiye Xuuto kusoo wada laabanay xafiiskiisa guud.

Waxaa Gudoomiyaha Solja siweyn iigaga xog waramay Himilada iyo Hiigsiga uu xiligan ugu jiro Suurtagelinta mustaqbal-san oo ururku u horseedo da’yarta Saxaafada Somaliland, kaaso gaadhsiisan ilaa heer waxbarsho dibadeed, tababaro Caalami ah iyo aqoon isweydaarsi gudaha ah, waxaa kaloo xuuto halkaasi iigu soo bandhigay qorshayaasha ku wajahan suurtagelinta sidii loo heli lahaa Saxafiyiin Saaxiib u ah Mihnada kuwaaso anshax iyo dhaqan ahaanba laga dheehan karo mastawaha dhex-dhexaadnimo ee bud-dhiga u ah saxaafada.

Rajo Xoogan, Niyaayiro Culus iyo hiigsiga hal-adaygu hagayo waa sifaha hogaanka cusub ee Solja iyo Xeelada horumarka mustaqbalka Solja ee Gudoomiye Xuuto Gadh-wadeenka ka yahay.

Wallow Saxaafada, Fanka iyo kooxaha medadaalada bulshaduba dhinaca Soomaalida ay yihiin kuwo ay yar tahay rajada horumarkooda Mustaqbal kollka loo eego bay’adda iyo Xayn-daabka nololeed ee ku Xeeran, hase ahaatee hiigsiga iyo Xeelada xirfadaha mustqabalka Damaca Xuuto ayaa ahaa kuwo ay ka muuqato Hiigsiga iyo lamaanaynta heerka mustawaha Caalamiga ah ee Mustaqbalka saxaafada dunida iyo tan Somaliland.

Run ahaan waxaa hadalka gudoomiyaha Solja iiga muuqatay Rajo xoogan oo hiigsigeedu han iyo hamiba u suurta gelin doono gaadhitaanka heer Caalami.

Siweyn waxaa gudoomiyaha Urur weynaha Saxafiyiinta Somaliland iiga xog waraystay ujeedada iyo sababaha keenay Eryashada, Baadigoobka, Raacdada iyo Waaranada Xukuumadu ku baadigoobayso xabsiyeyn-tayda, is xog-waraysi kadibna waxaa Mudane Xuuto warka iigu soo gunaanday wixii inagu khaladka aynu leenahayna waynu sixi, wixii xukuumadu inagaga khaldan tahayna waynu ka hawlgeli mana ogolaan doono gar-daro iyo gef aynaan galabsan, inaguna kolka horeba wixii dhib inagu keeni kara hubsiimo aynu ka lahaano.

Xaqiiqiyan waxaa aad ii qancisay kala dambayntii goobtaasi tiil, nidaamkii xarunta Solja iyo rajada Xeelada tayaynta Xoriyada Saxaafada Somaliland oo ahayd mid ka go’an Gudoomiye Xuuto.

Abdirisaaq Yusuf Cali “Tvvv

COMMENTS
LINKS