Booliiska Kenya oo Toogasho ku dilay Shan Qof oo Tuuganimo looga Shakiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliiska Kenya oo Toogasho ku dilay Shan Qof oo Tuuganimo looga Shakiyay
April 1, 2015 - Written by Editor:

Kenya(Wajaalenews) Ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa howl-gal ay ka sameeyeen xalay waddada dheer ee lagu magacaabo Thika Superhighway; gaar ahaan agagaarka deegaanka Clayworks, waxey ku toogteen shan qof oo looga shakiyay iney tuugo ahaayeen, kuwaasoo kala ahaa afar Rag ah iyo waliba qof Dumar ah.

Gatiria Mboroki oo ah Afhayeenka Booliska Kenya, ayaa sheegtay in dadkaas la toogtay ay wateen Qori AK 47 ah, Bastoolad, 14 Qasnadood oo rasaas ah iyo waliba Jaakada xabada celiso.

Bilayska Kenya GSU

Waxey sidoo kale sheegtay Mboroki, in tuhmanayaashaas ay ku sii jeedeen magaalada Muranga isla markaasna ay qorsheynayeen iney halkaas dhac ka geystaan inta lagu guda jiro Maalmaha fasaxa Ciida Masiixiga ee Easter-ka.

Si kasta ha ahaatee toogashada oo dhacday xalay abaaro 11:00 Habeenimo ayaa ciidamada Boolisku waxey sheegeen in xubno ka tirsan dadweynaha ay ka heleen xog ku saabsan 5, qof oo saarnaa Bas yar oo ka baxay magaalada Nairobi, sidoo kalana ay markii hore ciidamadu isku dayeen iney joojiyaan baskaas- balse tuhuumanayaashu ay diideen taasina ay sababtay in Taayarada laga banjariyo Baabuurkaas.

Mboroki, ayaa intaas ku daray in ciidamadu ay toogteen shantaas qof kaddib markii ay rasaasta ku soo rideen Bilayska.

Dadkaas la toogtay, ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay iney hubka ka soo qaateen agagaarka deegaan lagu magacaabo Zimmerman oo Arbacadii aynu soo dhaafnay uu isna ka dhacay ​​fal dhac ahaa.

Dhanka kale iyadoo hada ay soo dhowdahay fasaxa maal-maha Easter-ka, ayaa waxaa jiro falal tuuganimo ah oo laga cabsi qabo iney ka dhacaan meelo badan oo Kenya ka tirsan. Waxeyna sheegeen masuuliyiinta dowlada iney sugi doonaan ammaanka shacabka inta lagu jiro fasaxaas oo dadka Masiixiyiinta ah ay galaan sanad-kasto- isla markaasna bilaaban doono maalinimada jimcaha ah ee fooda inaga soo hayso.

COMMENTS
LINKS