Beesha Degta Deegaanada Agabar,Arabsiyo,Gabiley Iyo Hargeisa Oo la filayo In Ay Dhawaan Taageerada Kala Noqdaan Xusbiga Kulmiye Iyo Xukumada Ahmed Siilaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Beesha Degta Deegaanada Agabar,Arabsiyo,Gabiley Iyo Hargeisa Oo la filayo In Ay Dhawaan Taageerada Kala Noqdaan Xusbiga Kulmiye Iyo Xukumada Ahmed Siilaanyo
April 5, 2015 - Written by Editor:

Sababahan Aw Good Ayaa kenay in beesha ka tashanayso Aayaheeda iyo xusbigii ay doorteen oo noqday mid lagu hungoobay.

Beesha baha cumer ee jibriil abokor kama ay helin xukumada axmed siilaanyo waxii ay ka     mudnayd , xaga xilalka xukumada iyo waxqabadka deegaanada ay beeshu degto, beesha deegaankaa baladhan degta oo ahayd waliba beelihii asaaska xisbiga kulmiye taageerada hiil iyo hooba la garab istaagay isla markaana xildhibaanadii baarlamaanka taageerada cududle u muujiyey wallow aanu soo bixin xildhibaankoodii.

Beesha oo ah beelaha ugu aqoonta iyo siyaasiinta badnayd , waxa aanay mansabyo farabadan ka soo hayn jireen xukuumadihii kala dambeeyay ee dalkan soo maray, oo ay ka mid ahaayeen xilalka , jananka ciidanka qaranka xasan yonis habane, agasimaha hawlaha guud cabdi cali barkhad markii dambena noqday mareeyaha korontada Somaliland oo xilka looga qaaday kulmiye awgii. Xisaabiyihii guud ee qaranka Somaliland maxamud axmed ducaale dhagaxtur oo dareeno kulmiyeysan awgeed isna ay xilkiisa galaafatay xukumadii rayaale, agaasimihii guud ee wasarada waxbarashada c,raxman maxamed maal, mareeyihii hayada wadooyinka Somaliland Alle ha u naxariistee eng faahiye,waxa ay lahayd mayerkii gabiley sanadihii 80s ilaa 90s kii, beeshu waxa ay xubno kulahayd maxkamada sare ee dalka,waxaana ay xilal kala duwan ku lahayd gabi ahaanba laamaha kala duwan ee dawlada oo wakhtigii xukumadii udub saraakiishaa badankoodii loo aaneeyey in ay kulmiye taageereen, lagana wada xayuubiyey xilalkii qaran ee ay hayeen, beeshu waxa ay madaxweyne siilaanyo iyo xukumadii ay u halgameen ka sugayeen in ay mar uun soo jaleeci doonaa. Beesha baha omer wax xil ah waxa ay haysaa xoghayaha dawlada hoose ee gabiley. Oo isagana lagu keenay sababo kale iyo cidkale oo ay isku xidhan yihiin.

Tabashooyinka beesha oo isa soo tarayey tan iyo maalintii uu madaxweyne siilaanyo xilka qabtay iyo beesha oo bal eegaysay garashada madaxweynaha ayaa haba yaraatee aanu shaqada dawlada kaga jirin hal karaani. Mid midkii aqoontiisa lagu qaatayna shaqadii looga qaaday iyada oo lagu raali galinayo beelo kale ama shakhsiyaad.

 

Beesha oo dhawaan shir ku qabsan doonta deegaanka arabsiyo ayaa laga cabsi qabaa in ay cududooda isugu geeyaan xisbiga wadani oo taageero buuxda siiyaan sida ay noo xaqiijiyeen xubno xogogaal u ah arimaha beesha oo ka soo jeedaa waxaana baryahan dambe soo badatay in beelo badan ay quus ka joogsadeen xukumada axmed siilaanyo oo mansabyada aanay dhaafayn beesha madaxweynaha iyo beelaha ugu hadalka badan ee had iyo jeer aan tvyada ka dhamaan taasina waxa ay sababtay in beel beel looga diga rogto xisbiga kulmiye.

Walow aan war intaas dhaafsan laga hayn in beeshaasi ay gali doonto xisbi kale iyo inkale ayaa aad waxa loo dareemi karaa in xisbiga wadani hadana fursado muhiima ka helay gobolka gabiley iyo Somaliland taas oo la filayo in uu gacanta ku dhigo beeshaas iyo waliba beelo kale oo gobolka gabiley ah oo iyaguna la dareemayo in guux siyaasadeedyo hoose jiraan, iyada oo dhawaan lagu qaban doono gabiley shirka qiimaynta gobolka gabiley marka la garab dhigo qiimaynta gobolka saaxil iyo waxqabadka xukumada siilaanyo samaysay mudadaa shanta sano ah ee ay dalka haysatay.

 

ALLAH MAHADLEH

MAXAMED AXMED

ARABSIYO SOMALILAND

COMMENTS
LINKS