Askari ka tirsan ciidanka Qaranka oo Toogasho ku dilay Taliyihi Guutada 93aad Ee jiidaha hore Gobolka sanaag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askari ka tirsan ciidanka Qaranka oo Toogasho ku dilay Taliyihi Guutada 93aad Ee jiidaha hore Gobolka sanaag
April 12, 2015 - Written by Editor:

Ceerigaabo-(Wajaalenews)-Askari ka tirsan Ciidanka milateriga Somaliland ayaa toogasho ku dilayTaliyihii Guutda uu ka tirsanaa oo degan jiidaha hore ee Gobolka sanaag.

Taliyaha Guutada ee la dilay ayaa magaciisa naloogu sheegay Baashe Cabdi,waxaana la sheegay in Askariga dilay iyo isaguba isku beel ka soo jeedaan.

Askarigan dilka geystay ayaa la sheegaayey inuu markii hore u soo dhaardhaaranayey oo doonaayey inuu dilo Askaribaaniga ama lacag-hayihii Ciidanka oo uu u tirinaayey inuu lacag ka masuqmaasuqey hase yeeshee Askaribaanigaa uu doonaayey inuu dilo wuu ka fakaday taas la ajligeedna wuxuu khaarajiyey taliyahiisii!.

 

 

COMMENTS
LINKS