Aqoondarada ka Muuqata Xildhibaanada Dhaliilaya Xoghaya Dawlada Hoose Ee Gabiley: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoondarada ka Muuqata Xildhibaanada Dhaliilaya Xoghaya Dawlada Hoose Ee Gabiley:
April 13, 2015 - Written by Editor:

Hambalyo ayaan ku bilaabiyaa ku socota maayarka dada yare e gabiley

Waxa manta dadka reer Somaliland ka dheregsen yihiin hanaanka doorashooyinka iyo dadkii ay doorteen waxa ay noqdeen oo ah laba, waa ta koowaad xildhibaano gartay masuuliyada iyo waajibadka saran ee ay qarankooda u hayaan iyo qaar dhaameelka ku raadsada xoghayaha ama maayarka hala rido, waxa aan halkan hambalyo uga dirayaa maayarka dada yar maxamed amiin ee loo doortay degmada gabiley waxa aan odhan karaa waxa la doortay qofkii ugu haboonaa golaha deegaanka gabiley.

waxa hadaba aan ka dhaman golaha deegaanka khilaafyo ay sababaan dad tiro yar oo aan dhaafsiisnayn hunguri waxa lagu dilayaa xoghayaha dawlada hoose ee gabiley waa hunguri iyo dhaameel, waxa ay sheegeen xildhibaanadii ka hadlayey tvga horncable ee dhaliilayey xoghayaha dawlada hoose ee gabiley in la wareejiyey dayn dayntaas oo uu maayarka hore kaga tagay degmada, dayntaa waxa galiyey ayey yidhaahdeen xoghayaha dawlada hoose ee gabiley, bal dadwaynoow hadalkaa dhuuxa ? mayarka iyo mayor kuxigeenka iyo xoghayaha waxa loo yaqaan waaxda fulinta sida uu qofkasta oo aqoon lihi garankaro wax aan fulintu isla ogayn golaha deegaanka gudiga u qaabilsan hawshaa la qabanayona ogeyn qof kaligii ma lagu eedayn karaa. , waxa ay dhaliil uga dhigayeen xoghayaha dawlada hoose ee gabiley meesha ayuu ku raagay iyo maayarka ayuu dayn galiyey qofka shaqadiisa ka adagi meesha wuu joogayaa xaqbaanu u leeyahay in lagu amaano oo lagu qadariyo oo lagu maamuuso, runtiina waa qof aqoon iyo waayo aragnimo u leh shaqada uu hayo waata labaade hadalka ah  maayarka ayuu dayn galiyey caruurta ayaa garanaysa in ay tahay hadal la iska yidhi.

waxa tvga ka hadlay laba xildhibaan oo sidii loo doortay aan midna dadkiisa dib ugu soo laaban isaguna aan waxba baran ee wakhtigu ku seegay kolay qaad, waxa wehelinayey wiil aan is idhi wuxuu jecel yahay in uu tvga uun ka muuqdo habeen walba oo hadii aad gabileyba aragto aad ku arkayso isaga oo hadlaya xildhibaan maaha, masuul kale maaha cidi waxba uma dirato wallow barigii hore uu asxaabta siyaasada marba mid gali jirey oo aan odhan karo waa qof aad loogu bartay dhexwareega asxaabta iyo ururada siyaasadeed.

Hadaba waxa aynu ognahay in media ha oo dadka laga caayaa ay noqotay wax lagu maxaafsado ama laaluush lagu doonto, waxa aan uga digayaa masuuliyiinta dawlada hoose ee gabiley in ay ka digtoonaadaan shakhsiyaadka noocaas ah. Waxa aan kula talin lahaa dadka arimaha noocas ah caadaystay in ay wax iska bartaan oo ay jaamacadaha galaan oo qayrkood wax bay barteene ay dadka gaadhaan inta ay wax aan iyagana waxba u tarayn ku mashquulsan yihiin dadkana ceebayn ula taagan yihiin had iyo jeer.

AFHAYEENKA DHALINYARADA AQOONYAHANKA ARABSIYO

AHMED MOHAMED ABDI

Mobile:- +252634160906

COMMENTS
LINKS