Al-shabaab Oo weerar ku qaaday Ardayda Jaamacadda Garrisa Ee kenya khasaraha Tirada dhimashada iyo dhaawaca | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-shabaab Oo weerar ku qaaday Ardayda Jaamacadda Garrisa Ee kenya khasaraha Tirada dhimashada iyo dhaawaca
April 2, 2015 - Written by Editor:

Garrisa(Wajaalenews) Booliska Kenya ayaa sheegay in Ugu yaraan 15 Qof ay dhinteen 65 kalena dhaawacantay kadib markii Salaaddii Subax ee Khamiista Koox Hubaysan Oo Al-shabaab ka tirsani Weerar kula wareegeen Jaamacadda GARRISSA ee ku taala Magaalada Garrisa ee Waqooy Bari Kenya.

Al-shabaab ayaa dishay Ilaalada Jaamacadda kadibna Rasaas ku furtay gudahana u gashay Jaamacadda oo wakhtigaasi ay hurdeen Ardayda Kiristanka ah, halka Muslimiintu ku tukanayeen Masjidka Jaamacadda kadibna halkaasi isku soo xidheen.

Jaamacadda oo ilaa hadda dagaalku ka socdo waxaa la sheegay in Ardayda dhigataa gaadhaysay Kun Arday iyo Shaqaale kale. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ardayda Jaamacadda Dhigata ee Muslimka ahi ka yar yihiin 200.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere, oo Wakaaladda Wararka AFP khadka telefoonka kula hadlay ayaa sheegay in weerarkani Aargoosi u yahay dagaalka Kenya ka wado Somalia iyo dhibkay Muslimka ku hayso.

Waxa uu Seekh Cali Dheere, sheegay inay ardayda u qaybiyeen Muslim iyo Kiristaan islamarkaana haystaan intii Kiristanka ahayd inta Muslimka ahna fasaxeen “Markii Raggayada hubaysani goobta gaadheen waxay sii daayeen dadka qaar Muslim ah, Laakiin, waxaanu haysanaa Kuwii kale” ayuu yidhi Afhayeenka Shabaab, balse tirada Kiristaanka ay hayaan muu sheegin inkasta oo uu sheegay inay badan yihiin.

Dablayda ayaa dilay Askarta gaadhka ka haysa Jaamacadda “Waxaanu xaqiijin karaa in laba Boolis ilaalo ahaa la dilay laakiin, ma xaqiijin karo khasaaraha Ardayda ayay tidhi Haweenay Booliska u hadashay oo Telefishanka Al-jazeera la hadlaysay. Wararka ayaa intaasi ku daray in la arkayo Ambalance-ka oo dhaawacyo gaynaya Cisbitaalada ka ag dhaw Jaamacadda

Haweenayda Booliska u hadashay Zipporah Mboroki, ayaa sheegtay in wali Xaaladdu socoto Dablayduna la wareegtay Dhismaha Jaamacadda oo ay gudaheeda ku sugan yihiin. “Ciidanka Difaaca Kenya iyo dhamaan laamaha Amaanka Garrisa ayaa meesha lagu daad gureeyay” ayay tidhi Zipporah Mboroki.

kenya weerarArday ka baxsaday Dhismaha Jaamacadda ayaa saxaafadda u sheegay inay ragga weerarka gaystay ku qiyaaseen 5 Qof, waxaana dhismaha laga maqlayaa Qaraxyo iyo Rasaas la iswaydaarsanayo iyadoo Qiixa ka baxayana la arkayo, hase ahaatee ma sahlana in la Ogaado khasaaraha kadib markii Ciidamada Kala duwan ee Kenya xidheen Aagga Jaamacadda.

Al-shabaab ayaa September 2013 hawlgal afar maalmood qaatay kula wareegtay Xarunta Ganacsi ee Westgate Mall, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 60 Qof. Waxaa tan iyo 2011-kii soo kordhayay weerarada Al-shabaab ku qaado Kenya kadib markii Ciidamadeedu soo galeen Somalia, balse ilaa hadda cid sheegatay lama hayo Weerarka ka socda Jaamacadda Garrisa.

 

COMMENTS
LINKS