Afhayeenka xusbiga Wadani Ee G, Gabiley Ayaa Jawaab kulul Ka Bixiyay warar ka Dhan Ah Gudoomiyaha xusbiga wadani Cabdiraxmaan Ciro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka xusbiga Wadani Ee G, Gabiley Ayaa Jawaab kulul Ka Bixiyay warar ka Dhan Ah Gudoomiyaha xusbiga wadani Cabdiraxmaan Ciro.
April 27, 2015 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah wadani ee Gobolka Gabiley Eng Daa,uud Abiib Axmed ayaa warar saxaafada lagu baahiyay ku sheegay kuwo aan sal raad toona lahayn isagoo jawaab kululna ka bixiyay qoraaladan uu ku tilmaamay kuwo been abuura oo Xukuumada Siilaanyo ka fidisay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Ciro

Afhayeenka Eng Daa,uud oo arimahaa ka hadlayaana mar uu lasoo xidhiidhay Shabakada wararka ee wajaalenews wuxuu yidhi.

Dacaaadaha been abuurka ah ee lagu xajiimaynayo Gudoomiyaha Cabdiraxmaan oo Sharafta Distooriga ah ee Qaranka huwan waa meel ka dhac Distooriya waxaanu ku eedeeyay Aqalka Madaxtooyadu in uu ka danbeeyo isagoo tilmaamay in loo adeegsanayo Cashuuraha Dadka tabaalaysan ee Abaartu hayso Wadooyinka iyo goob walba lagaga qaadayo in loo isticmaalo xaqiraada Gudoomiye Ciro,

waxaanu u aragnaa in dacaayadahan been abuurka ah looga danleeyahay in lagu marin habaabiyo bulsha waynta somaliland ee isbadal doonka ah

Isagoo Afhayeenku hadalkiisa sii wata wuxu yidhi waxaa marag madoona taariikhduna ka marag kacaysaa in aanu Gudoomiye Cabdiraxmaan marnaba marayn jidkii Madaxwayne Siilaanyo markii uu Gudoomiyaha Kulmiye ahaa maray isagoo Afhayeenku bulshada xasuusiyay in uu Shirkii somaliwaynta ahaa ee u horeeyay M/Siiraanyo kaga qayb galay Dalka Maraykanka isagoo Gudoomiyaha kulmiye ah safarkaasi uu ku weheliyay Xoghayihii arimaha dibada Xisbiga Kulmiye ee xiligaa Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar 2008 waxaanu sheegay in Shirkaa wixii lagu soo saxeexay in maanta dalka lagu hago, talaabadaasi Madaxwayne SIIRAANYO qaaday marnaba kama suurto galayso Gudomiyaha Xisbiga Wadani,

Iisagoo hadalkiisa sii wata waxuu yidhi AFhayeenku waxa xusid mudan kulankii jabuuti ee Madaxwaynaha Somaliya iyo Madaxwayne Siiraanyo ee ugu danbeeyay 20/12/2014 dalka Jabuuti ka dhacay waxuu Afhayeenku si gaara farta ugu fiiqay hamuunta Madaxwayne Siilaanyo u qabay salaanta Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud oo midnimada Somali wayn wada,

Afahayeenka xisbiga Wadani ee G/Gabiley waxuu cambaareeyay in ay xukuumadu ku mashquusho xajiimaynta iyo xaqiraada Gudoomiyaha Xisbiga Wadani. ugu danbayna Afhayeenku Eng Daa,uud wuxuu wax lalayaabo ku tilmamay Ciyaalo Suuqa Cumaamadaha   qaatay ee Boqorada sheeganaya loona adeegsanayo xajiimaynta Masuuliyinta Sharafta Distooriga ee Qaranka huwan ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa Afhayeenka Xisbiga Wadani ee gobolka gabiley

ENG DAAUUD ABIIB AXMED AFHAYEENKA XISBIGA WADANI EE GOBOLKA GABILEY

COMMENTS
LINKS