|
|||||
WAJAALE NEWS
Aabe Somaliyeed Oo ka sheekeyey Dhacdo Murugo leh oo Dhexmartay Daacish.
April 7, 2015 - Written by Editor:“Wuxu iga sheekey 5 Mar oo ay isku Dayeen in ay Gawracaan iyo Inan uu dhalay oo ay dhawaceen” Ifraax Kirix Hargeysa(Wajaalenews) Marwo Ifrax Kirix oo ku Nool Waddanka Sweden Xildhibaanadna ka soo Noqotay Golayaasha Deeganka Sweden ayaa Waxay ka sheekeysay Xaalad aad u liidata oo uu ku sugan yahay Aabo Somaliyeed oo la Yidhaahado Maxamuud Cabdilaahi oo Labba Caruur oo hablo ah oo uu dhallay ku Biiren Kooxda Daacish ee ka Dagaalanta Suuriya, waxanu Sheegatay in ay Kooxdaasi Qabteen isla markaana ay isku dayeen shan Mar in ay Gawracaan. Marwo Ifrax Kirix oo ka hadlaysa Waxa uu Abbaahasi u sheegay waxay hadalkeeda ku bilowday. “Dhibaatada aduunyadu waa imtixaan joogto ah waana maalmo tirsan waa ayaanba ayaan 17 okrober 2013 ayaa Aabe iyo hooyo soomaaliyeed sida aabayyaal badan iyo hooyooyin fara badan oo soomaaliyeed oo dunida ku nool ama dalka gudihisaba ay dhibaatooyin kala gadisani u sameeyeen ayaamaha noloshooda, aabahan soomaliyeed ayay labadiisii hablood uga haajireen dhul uu ka socdo dagaalku ee Siiriya. hablahaasi oo kala ahaa ugbad oo 18 jir ahayd iyo raxma oo 16 jir ahayd marka ay tageen turkiga, aabaha hablahaa dhalay oo laba maalmood kedib kaga daba tagay turkiga gaar ahaana magaalada Hattay, oo ay joogeen sida uu booliska Norway ku war galiyay Aabaa, in ay caruurtiisu ku sugan yihiin Turkiga hase ahaatee kulaamuu kulmin caruurtiisii magaladii loo gu soo sheegay in ay joogeen. mudo kadib anigoo abahaa la xidhiidhay malin ka hor si aan u ogaado xaaladiisu halka ay marayso iyo waxa uu kala kulmay dhalaankiisii iyo dhibka ay kujireen kuna jiraan ila iyo hada. waxa u ii sheegay sidan: ( magaaladaa waxannu wada joognay 7 cisho oo ay iga dhuumanayeen Caruurtaydu aniguna an ka dhex raadinayay 7 cisho kedib waxay galeen suuriya. 2 Todobaad kedib waxan ka daba galay suuriya 3 todobaad markaaan wareegayay ee an suuriya meel kasta oo khatar ah ka raadiyay ayay qoladii kaxaysatay iigu keeneen magaalada la yidhaa Atimah. ismaan dhaaf dhacay daraadii ayay xabbad la is weydaarsaday waxa ku dhaawacantay Raxma oo 16 jir ahayd waxay kadhaawacantahy lugta midig laftaana jabtay maalin kadib dhacdadaa iyo dhawacaa. waxa aniga i qafaashay ISIS oo 30 cisho igu hayay musqul yar sadexdii cishana i siin jiray koob yar oo cadays ah. 7 jeerna ayay isku dayay ina ay i gawracaan hadii aan u qiran waayo inaan basaas ahay laakiin umaan qiran iyaguna imay gawricin kedibna jeelkii waxan kaga baxsaday xoog markaan mid gaadhkii ka mid ah qori ka boobay. 10 cisho ayaan duurka suuriya keligay ku jiray, dad suuriyiin ah oo sheekadayda maqlay ayaa i caawiyay 10 cisho kadib, Iga’na soo saaray suuriya waxanan usoo kicitimay Norway. kadib markii an 7 cisho turkiga dhakhtar kaga jiray dhammaadkii bishii koobaad 2014 kii wakhtiga ilaa maanta tiraba 5 jeer ayaan isku dayay inaan soo badbaadiyo hablahaygii imanay suurto galin. 12 jeer oo kalana waan ku noqday suuriya imikana waxan ku guda jiraa rajadii iigu danbaysay tii allana waa meel. ilaahay ha igu garab galo ee waxaa meel fiican ii maraya rajada aan qabo .”) runtii waa waxa laga xumaado markaad argatid dhibtaada ku habsatay walaalkeen iyo walidiin badan.
waxan ku soo gunaadaay ereyo ka hadlaay kuwa dhibka u horseeday hablahaa yaryar iyo ubadka somaliyeey ee meel kasta wax yeeladu ku habsatay raboow adaa caafiyee nacaawi oo caqli saliim nooga yeel. somaalay dhulkeenii caradeena hodanka ah ku casuunteen shisheeye idinkuna qaxootiyo caydhbaad ka joogtaan. calaamka hore umaray casiiskii ina uumaad ku caasiyoden ayaan qudha. caruutiyo dhalaanka iyo hooyadii cudoonayd cidlo weheel u siiseen ciilbay la jiifaan caku daranyadoodi.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|