Xukuumadda Djibouti Oo Maxkamad Horteed Ku Raali Gelisay Ganacsade Boreh Oo Ay Is Hayaan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Djibouti Oo Maxkamad Horteed Ku Raali Gelisay Ganacsade Boreh Oo Ay Is Hayaan,
March 9, 2015 - Written by Editor:

“Xukumadda Djibouti waxa ay rali gelin siinaysaa maxkamada sharafta leh iyo ganacsade Cabdiraxmaan Borreh…”

jabuuti iyo ina boore

London, UK (Wajaalenews)– Dawlada Jabuuti ayaa raali-gelin maxkamadda ku taala dalka Ingiriiska horteeda ku siisay ganacsade Cabdiraxmaan Boreh iyo maxkamaddaasba. Sida lagu sheegay waraaq uu akhriyay qareenka u doodaya xukumadda Djibouti oo ay is haystaan Ganacsadahan maxkamada sare ee magaaladda London ayaa dawladda Djibouti horteeda ka sheegtay inay been sheegtay. Dacwadan oo mudo dheer ka socotay maxkamad sare ee magaladda London una dhaxaysa xukumadda Djibouti iyo ganacsade Cabdiraxmaan Borreh ayaa waxaa raali gelintan dhegaystay garsoore Lord Falconer, waxaana uu nuxurka qoraalka Dawlada Djibouti u dhignaa sidan, “Xukumadda Djibouti waxa ay rali gelin siinaysaa maxkamada sharafta leh iyo ganacsade Cabdiraxmaan Borreh, raali-galintaas oo ka dhalatay been aanu maxkamadda horteeda ka sheegnay. Mar kale waxaanu raali galin ka bixinaynaa in aanaan beentaas iska sixin, iyadoo loo baahnaa in aanu ku saxno fursada ugu horeysa ee aa Nu helno. Waxaana beenta aanu sheegnay ay xambarsanayd warbixino aanu u gudbinay maxkamada. Dhowr jeer oo horena cadaymihii aanu haynay ayaanu qarinay.

Xukuumadda Djibouti, iyaddoo fahansan culayska ay leeyihiin talaabooyinkan khaladka ah ee aanu qadnay, ayaa haddana anagoo kasbanayna kalsoonidii maxkamadu naga aaminsnayd waxaanu cadaynaynaa in khalad dhacay.” Qareenka ka socda dhanka xukumadda Djibouti Mr. Dutton oo ka mid ah qareennada ka hawl-gala xafiiska Gibson Dunn ayaa isna rali gelin ka bixiyay khaladaadkaas dhacay. “Xafiiska garyaqaanadda Gibson Dunn waxa uu raali gelin dheeraad ah sinayaa maxkamada iyo ganacsade Cabdiraxman Borreh, iyo cidii kale ee ay saameeyeen khaladaadka iyo been ka sheegista dacwadan oo runtii nagu ah halkii ugu hoosaysay ee xirfadda qareenimo ay gaadho.” Sidaas ayaa lagu yidhi qayb ka mid ah nuxurkii qoraalka raligelinta ah ee garyaqaan Mr. Dutton. Ganacsade Cabdiraxman Borreh ayaa dhankiisa isaguna khudbad uu kaga jawaabay ku amaanay maxkamadaha dalka Ingiriiska iyo guud ahaan cadaalada dalkaas, oo uu ku tilmaamay go’ankeedu lagu kalsoonaan karo kana fog cadaalad darro uu sheegay in ka jirtay dalka Djibouti. “Waligay waan aaminsanaa samcada ay leedahay cadaalada dalka Ingiriisku, islamarkaana waxaan dareen sanaa in sharciga dalku wax kasta oo kale uu ka saareeyo.  Halka tan bedelkeedu ay taalo ee aan hore ugu soo maray dalka Djibouti. Waxa kale oo aan ugu mahad naaqayaa cadaalada ka jirta maxkamadaha dalka Ingiriiska oo aqoonsaday xukunkii ay maxkamada dalka Djibouti igu xukuntay arrimo la xidhiidha argagixisnimo, xukunkaas oo aan meelna ii soo marin. Waxa fajac iyo amakaag igu noqotay xafiiska Gibson Dunn oo ah xafiis garyaaqano ka hawl galaan oo sharaf iyo sumcad wanaagsan ku leh aduunku  inay garab istaagan cadaalad darada, iyagoo  olole ka dhan aniga igu qaday, iyagoon is weydiin xaqiiqda kiiskan, taas oo sharciyada u yaala qareenada aanu dhigayn sidaa. Peter Gray, oo ah mulkiilaha ugu saamiga badan xafiiskan ayaa qiray in xukunka la xidhiidha argagixisanimaddu aanu ahayn mid sax ah. Laakiinse, uu doorbiday in aanu maxkamadda ogaysiin. “Dawladda Djibouti xukunkaas waxa ay u  adeegsatay inay sumcadayda iyo magacayga ka ba’biso calaamka oo dhan.” Ayuu yidhi ganacsade Bore, waxaana uu intaas raaciyay inuu ka dhursugayo maxkamada arrintna gacanta ku haysa. Dacwadan oo u dhaxaysa xukuumadda Djibouti iyo ganacsade Cabdiraxman Borreh ayaa ka bilaabantay khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Ismail Cumar Geele iyo ganacsadahaas oo mudo dheer saaxiib isku dhow ahaa, kana qayb qaatay dhismaha dhaqaalaha dalkaas oo maanta meel fiican maraya. Cabdiraxmaan Borreh oo ah ganacsade caan ah islamarkaana la taliyaha gaarka ah u ahaa madaxweyne Ismail Cumar Geele, guulaha ay wada gadheen, waxa ka mid ahaa heshiiskii iyo maalgelintii dib u dhiska dekadda Djibouti oo ay qandraas ku heshay shirkadda Dubai Port World, haatana  ah isha dhaqaalaha dalku ka hesho. Waxa ay xukuumada dalka Djibouti ku eedaysay ganacsadaha arrimo la xidhiidha musuq maasuq iyo argagixisnimo, waxa intaa u dheeraa In qoyskiisu la kulmaan hanjaabado iyo hantidisii ugu jirtay akouwnada bangiyada iyo dhismayaasha oo dhamaantood la wada hakiyay. Waxana dhegaysiga dacwada dib u bilaabmi doonta 9-ka March Isniintan maanta ah.

 

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI

 

 

COMMENTS
LINKS