XOG-CULUS:Yaa Ka dambeeyey shaxdii isku shaandhaynta ee madaxweyne Siilaanyo sameeyey? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XOG-CULUS:Yaa Ka dambeeyey shaxdii isku shaandhaynta ee madaxweyne Siilaanyo sameeyey?
March 2, 2015 - Written by Editor:

MORGAN IYO SIILAANYO
Hargeysa(W.N): – Siday ilo xogogaal ah oo lagu kalsoonyahay wargeyska Haatuf u sheegeen Isku-Shaandheynta cusub ee madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey habeen hore xukuumaddiisa ayaa aheyd talo ay wada jir ku gaadheen marwada koowaad ee Aamina Waris iyo wiilka inanta ka qaba ee Baashe Cawil, waxaana lagu qorsheeyey xiligii uu madaxweynuhu booqashada ku joogay magaalada Berbera dabayaaqadi todobaadki hore.

Waxa xusid mudan in marki uu wafdigii madaxweynuhu gaadhay Berbera in la kala diray wasiiradIi la socday sida wasiiradda Madaxtooyada,Qorsheynta iyo Daakhiliga si Aamina Waris iyo Baashe u heelan fursad ay ugu kaliyeystaan guriga madaxtooyada ee Berbera kagana baaraandegaan go’aanna uga gaadhaan cidda xilka laga qaadayo iyo cidda cusub ee la magacaabayaba.

Isku-shaandhayntan ayaa qodobka ugu muhiimsan ee ku jira yahay wasiirkii hore Maaliyadda C/casiis Samaale iyo wasiirka cusub ee loo magacaabay maaliyada oo markii hore ahaa wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan oo la isku baddalay.Samsam oo iyadu ka tirsan qoyska madaxtooyada ayaa xiligii uu Siilaanyo mucaaridka ahaa waxay ahaan jirtay guddoomiyaha ururka samafalka ah ee CCS kaas oo Aamina Waris-na ka mid aheyd shaqaalihiisa iyadoo lacagaha deeqda ah ee laga ururiyo xubnaha iyo ganacsatada taageera xisbiga Kulmiye qaybta uu badan loo weecin jiray xisaabta ururka CCS oo ay wada-jir u maamulijireen Samsam iyo Aamina Waris .Baashe Cumar waa wiil awood kul leh dalka
Baashe morgan

Ururka CCS ayaa wali ka mid ah hayadaha samafalka ah ee maxaliga ah ee dalka ka hawlgal marka la eego dareenada laga bixiyey isku-shaandeynta ayaa dadka intooda badani waxay u arkeen mid weyd ah oon u dhigmin tii ay filayeen in madaxweynuhu xukuumaddiisa soo galiyo xubno mudakar ah oo karti iyo firfircooni ku soo biirin kara isla markaana ka takhaluso xubnaha golahiisa ee xilgudashadoodu la dhaliilo. Waxa kale oon isku-shaandheyntan ka muuqan wax cusub oo ka turjimi kara tabashooyinki reer Awdal.ee ay kaga cabanayeen saamiga ay ku leeyihiin jagooyinka dawladda,waxayna u muuqata in ujeedada kaliya ee laga lahaa ay aheyd sidii Samsam loo keeni lahaa Maaliyadda xiligan kala guurka ah oo 117 maalmood oo kaliya uga hadhsanyahay cimrigi xukuumaddan.

XIGASHO HAATUF NEWS

COMMENTS
LINKS