Xildhibaan Xassan Cawaale oo Xukuumada ugu baaqay in ay Joojiso lacagta aanu Goluhu jidayn ee gaadiidka laga qaadayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Xassan Cawaale oo Xukuumada ugu baaqay in ay Joojiso lacagta aanu Goluhu jidayn ee gaadiidka laga qaadayo.
March 24, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Golaha wakiilada ee Somaliland Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan ayaa Xukumad ugu baaqay in ay joojiso Mashruuca Dekeda Berbera lagaga qaadayo Lacagaha Gadiidka Cusub ee Soo dagaya.

Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan oo Waaheen Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay ayaa ka digay Cawaaqib xumo uu sheegay in ay keenayso haddii ay Xukumadu ka noqon waydon lacagta aan sharciga waafaqsanay ee lagu soo rogay gadiidka.

Xassan Cawaale Caynaan waxa uu sheegay in aanay wanaagsanayn in maalin kasta Culus la saaro ganacsatada iyo dadka masaakiinta ah iyada oo aan golaha wakiiladu jideyn isla markaana aan la ogeyn ciida lacagta la sheegay qaadanaysa.

COMMENTS
LINKS