|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Indho Indho Oo ka Hadlay Is Casilaada Wasiir Samaale Iyo isku Shaan Dhaynta Xukuumada
March 1, 2015 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaalenews)Xildhibaan Cabdi Qaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) ayaa ka hadlay isku Shaan-dhaynta uu sameeyay Madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiirada is Casilay. Waxa uu sheegay in Aanay Ahayn Rag Si Fudud ku Kala Tagi Kara isaga oo ku Sifeeyay Saaxiib In Badan Madal Dhoolaha kawada Qosli Jiray. Cabdi Qaadir waxa uu intaasi raaciyay in Ay isku Shaan-dhayntu tahay Qodob Dastuuri Ah,Cidna Aan looga Waabanayn,Marka La Doonayo in kor loo Qaado Shaqada Shacabka Loo hayo waxaana uu yidhi. “Hortu isku shaan-dhayntu waa Qodob Dastuuri Ah oo ka Mid Ah awoodaha Madaxwaynahu uu leeyahay,Xaqna wuu u leeyahay Hadii uu Sagaal Walaalo Ah Wasiiro ka dhigayo isaga ayay jirtaa,isku shaan-dhayn Balaadhan Ayay ahayd inkasta oo dawlada Cusaybkeedu Yaryaha oo Wasiiradii Hore uun La isku Walaaqay,Saaka Anagu Haakah Ayaanu leenahay Badii Madoobayd iyo Tiicadaydaba waa Naloo Dhiibay. Xildhibaan Cabdi Qaadir indho-indho oo ka Tirsan Xildhibaanada golaha Guurtida somaliland ayaa isaga oo hadalkiisa siiwata intaas ku daray. “wasiirada Labadlay iyo Kuwa Cusub Ee Lamagacaabay Labada waanu soo dhawaynaynaa waxaanan leenahay ilaahay Xilkiina Haydinku Asturo,Kuwa Xilka Laga qaadayna waanu Tacsiyadaynaynaa ilaahayn Meel Halkii ay Joogeen ka Khayr Roob Ayuu Gayn,Boorama shaqaalaha way ka cabanayeen Hadii Haay’adii Shaqaalaha Loo dhiibay waxaanu leenahay kaligiin ha isku koobinee Beelaha kalena Xaqooda Siiya. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay is casilaada uu sameeyay wasiirka Maaliyada somaliland Cabdi Casiis Maxamed Samaale waxaana uu sheegay in Ay saaxiib isku dhaw Ahayeen Madaxwayne Siilanyo waxaana uu yidhi. Cabdi Casiis Iyo Siilaanyo Rag Aad iskugu wanaagsan oo Mudo Badan Soo wada Shaqeeyay Ayay Ahayeen,waxaana ay ila tahay Khilaafka Iyo is Casilaada uu sameeyay wasiirku ka heshiin Doonan Dhamayna Doonaan Khilaafka u dhaxeeya,umana Malaynayo in ay yihiin Rag Sidaas ku Kala Tagaya waana Rag Duruuf badan soo wada Maray.
isaga oo hadalkiisa sii tix Raacaya waxa uu yidhi.”way dhici Kartaa inuu saluug ka Muujiyay Xilka Cusub ee loo dhiibay,Lakiin taasi waa Tabasho isaga iyo Madaxwaynaha u taala Anaga taas maaha Hawl Nootala Haday is Cafinayaan iyo haday wada joogayaan waa isaga iyo saaxiibkii oo kaliya. Cabdi Qaadir Indho-indho waxa uu sheegay inaan Siyaasada La dhex Galin,Balse waxa uu sheegay in shacabku sugi Doonaan Marka ay Wasiir Samaale Madaxwayne Siilaanyo Kulmaan waxaana uu yidhi. “Madaxwayne Siilaanyo inuu Meel ka Fiican u dhiibayo u dhaw,Lakiin Is Arag Madaxwayne iyo Samaale aanu sugno,Lamana Dhex Galo Siyaasiyiinta,Saaxiib-tinimada U dhaxaysay Labadoodu Maah Qaar si fudud U Kala Tagaya,waxaana Laga yabaa Doorashada Awgeed iyo Kaan Baynka Ay samaynayaan Uu u geeyay Xilka Wasaarada Waxbarashada. Gaba-gabadii waxa uu dar-daaran u jeediyay Wasiirka Maaliyada isaga oo ku gubaabiyay inuu ka fiirsado is Casilaada uu ku Baaqay
Related posts:“Waxa Reebban In Carruurta Lagula Kaco Xadgub Ama Tacaddi Jidheed, Jinsi, Maskaxeed Ama…” Wasiirka W... DAAWO;-Musharax Xil,Kijaandhe Oo Dalka Si Diiran Loogu Soo dhaweeyay Kana Warbixiyay kulamo Uu La So... Daawo:Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax Oo Balan Qaaday In ay Kuraasta Uga Kici Doonaan Madaxda Khaat... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|