Xildhibaan Bashiir Oo Maayarka Gabiley Ee Golaha Wasiirrada Ku Biiray Ku Tilmaamay Belaayo Ilaahay Shacabka Dhaafiyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Bashiir Oo Maayarka Gabiley Ee Golaha Wasiirrada Ku Biiray Ku Tilmaamay Belaayo Ilaahay Shacabka Dhaafiyey
March 16, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa:(Wajaalenews)-Bashiir Tukaael oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada ee Gobolka Gabiley kasoo baxay, ayaa ka Hadlay Maayarkii Golaha Deegaanka Gabiley oo dhawaan ku Biiray Golaha Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaan Bashiir oo Maanta Warbaahinta La Hadlay, ayaa sheegay in Reer Gabiley ka raysan doonaan Maayarkaas, isla-markaana aan loo darsan doonin.

Xildhibaanka oo ka Hadlaya Arrinta Maayarka Gabiley iyo Iscasilaadii Wasiir Samaale, ayaa Hadalkiisa ku bilaabay,

“Waan Maqlay in Wasiir loo Magacaabay Maayarkii Gabilay,Barigii horena Riyaale ayaa meel uu ka soo helay mooyaane soo helay,toban cisha ayuu magacwnaa oo kuwii is casilay ee meel dhabarka laga taabtay ayuu ahaa,Maantana dawlada sii dhacaysa oo wakhtigeedii dhamaaday ayaa loo Magacaabay wasiir,Gabiilayna Balaayo ilaahay Soo dhaafiyay Ayuu ahaa.”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale waxa uu sheegay inay Mucaarid ahaan ka faa’iideen Qalinka Madaxweynaha, isla-markaana ay badan ka dheefeen,

“Reer gabiilay way nasiib badan yihiin,Dalkiina waad arkaysaan waa saqdii dhex ayuunbaa la soo saarayaa digreeto,anaguna Mucaarad Ahaan waanu Nasanay oo qalinka uu kor u qaado Madaxwayne Siilaanyo Anag ayuu wax Nootarayaa Oo waanu nasanay oo waanu u Mahad Naqaynaa odayga.” Ayuu yidhi Xil. Tukaale.

Xildhibaan Bashiir Tukaale waxa uu sheegay in Ay naqaysanayaa Inta xukuumada ka soo baxdaba Muhiimadana Raaci Doonaan iyo Raga Miisaanka Culus leh, waxana uu yidhi.

“Walaahi Hortu Ragan waanu naqaysanaynaa oo Cidii Aanu u aragno in ay xisbiga wax u tarayso waanu qaadan doonaa,kii aanan wax tar u arkina qaadan mayno,Samaale Kulmiye Markay soo baabiiyaan ayay go’aan kooda qaadan doonaan hadii ale yidhaah.”

 

COMMENTS
LINKS