Xildhibaan Barkhad Miigane Oo Geeriyooday iyo Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Barkhad Miigane Oo Geeriyooday iyo Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay
March 30, 2015 - Written by Editor:

Borama(Wajaalenews) Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane, oo ka tirsnaaa Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku geeriyooday Magaalada Boorama. Xildhibaanka ayaa sidoo kale ahaa Bare aqoonta Jaamacaddaha kaalin mugleh ka soo qaatay.

xildhibaan miigane

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, ahna hogaamiyaha Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa tilmaamay shaqsiyadda Marxuumka Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun:

Allaah ha u naxariisto Marxuum Xildhibaan Prof. Xil Mohamed Barkhad Miigane, oo hadda ku geeryooday Magaalad Boorama.

Marxuumku wuxuu ahaa Xildhibaan Qaali ah oo waxbadan kasoo qaybqaatay dhismaha Wadankan & Haykalka dawladnimo, sidoo kale wuxuu ahaa Professor & Bare-sare oo kasoo qayb-qaatay Waxbarashada Jaamacada Somaliland.” Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Gudoomiyaha Wakiilada ayaa Ehelka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumka“Ehelkiisii, Qaraabadiisii, Asxaabtiisii, Ardaydiisii iyo Golaha Wakiilada & dhamaan Shacabka Somalilandba Ilaahay Samir & Iimaan haka siiyo, Marxuumkana Illaahay ha siiyo Dembi-dhaaf & Janatul-firdowsa. Aamiin.Aamiin”

 

COMMENTS
LINKS