Xidhiidhka ka Dhexeeya Siyaasadda Iyo Shaydaanka… Qalinkii Sh.Jabir Herbalist | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xidhiidhka ka Dhexeeya Siyaasadda Iyo Shaydaanka… Qalinkii Sh.Jabir Herbalist
March 26, 2015 - Written by Editor:

Ma Gaadhi karo go,aan…. Habeenkii oo dhan waan soo jeedaa maalintii galinka hore waan hurdaa matooso salaada duhur waxii ka horeeya,

jaabir(1)

Maalin maalinse waxaan kacaa sagaalka subaxnimo waliba maalmaha ay jirto xaflad meher ama munaasibad kale oo kaadhkeeda la ii keenay … badanka waan cadhoodaa subaxii hadii aanan bun cabin dhaqso ah intaan la gaadhin 11.00 am dhagahaa I culus

Ma qayilo badanka hadana waxaan u noolahay sidii muqayiliinta waan warwar iyo walaac badanahay waan shakiyaa waanan isku buuqaa khaasatan markaan aqalkayga joogo…lacagtu kuma hakato jeebkayga waan bukaa meel ixanuunaysana garanmaayo,balse mar marbaan ahay qof laga jecel yahay xaga asxaabtiisa dhexdooda oo kalsooni hela iyo aamin… beenta ma sheego laakiin dulqaad malihi badan Dadka I jecel waxaa ka badan kuwa in neceb garanamaayo waxaan sameeyay ee dambi cad ah habeenkii waan riyoodaa iyadoo la I eryanayo ayaan arkaa ama aan jar ka dhacayo xasadkaygu waxa uu u badan yahay dad qaraabo ah ama asxaab ah hadii ay lacagi isoo gasho way kala yaacaysaa ama waxa isoo gala iyo waxaan isticmaalo ayaa kala badan door walbana daynbaa la iiraacaa… cidi iima diido waxii dayn ah ee aan qaadanayo horena iskama bixin karo daynta xattaa hadii ay lacagi isoo gasho ma u geeyo dadkii igu lahaa … dadku ima waydiiyaan daynta ay igu leeyihiin … kuwo badan oo aan ilaabay ayaa jira hadii aanu qofku bari dambe I xasuusin … waxaa igu badan dhaarta… kalmadkasta dhaarbaan raaciyaa walaahi ah… ayaamo dhawayd qofka ila hadla waxaan rabay inaan la dagaalamo… waxaan sidaas isku nacnay rag badan… marmarbaan u hiiliyaa nin la caayayo oo aan I aqoon anna aanan aqoon… mooyi wax igu kalifa dagaalka noocaas ah… marmarbaan xabbeeb jiq noqdaa muran awgii cunahaa I xidhma… xidido ayaa ka kaca madaxayga indhuhuna waa I casaadaan dad badan baa iga baqa… waxaan arkay shalay meeshii aan ku dagaalamay ee aan dadka sku dilnay anigoo fadhiya oo iska habi ah oo dadku yaaban yahay aan u tagy hada waa ninkaygii shalay wax kala laayay ee maanta baxsanlahaa ama dudi lahaa mooyi calool ku hayn malihi rabshadna joojin maayo dadkuna waa ila col ana waan qoslayaa dad badan baa og inaanan waalayn … laba cisho kahor waan gororay… waxaan ku war helay dhiig sanka iga da,aya oo diiran… mudo nisfusaaca ah ayuu iga joogsan waayay… farmasi agtayda ah ayaan cudbi ka doontay… waxaan la kulmay nin dhaqtar ah oo iga cabbiray dhiiga waxa uu sheegay inuu dhiigaygu xoog u kacay dhaqsona aan ugu baahanahay dawo iyo is degin dhaqso ah… wuxuu igu yidhi dhaqtarku maxaad ka shaqaysaa waxaan ku idhi waxba markaasuu yidhi macquul maahee sheeg waxaan ku idhi siyaasada ayaan ku jiraa haaaaa buu yidhi waar bahasha sawdiga ku dhiman gaadhay waad buktaaye iskaga bax markaasaan ku idhi ka bixi kari maayo oo iyadaa igu jirta ee ha iga baxdo markaasuu qoslay oo uu yidhi niyaw bahashu ma jinbay noqotay dadka galaya markaasaan ku idhi way ka darantahay oo waa shaydaan… wuxuu igu yidhi is degi isdeji hadaabad kacsan tahaye woxogaa dhinaca midig u jiifso sariir ayuu ii dhigay… laakiin waan gamay oo khuuro ayaan bilaabay waxaanan hurday sadex saacadood oo dhan… waan yaabay makraan toosay sadexdii galabnimo… wuxuu ahaa dhaqtar fiican muu qado tagin ee xaafadiisa ayaa qadadii u keentay maalintaas oo uu la hadlay aniguu ii daayay inaan hurdo fiican qaato…waxaan toosay iyadoo margiyadu I garaacayaan oo culays iyo muruqyo I hayaan oo qaarka sare oo dhan I burbur san yihiin markaasaan ku idhi dhaqtar miyaad I suuxisay… markaasuu yidhi mayee adigaa gamay oo seexday markaasaan idhi miyaanad qada tagin markaasuu yidhi inaad hurudo ayaan ka doortay… waxaan ku idhi bal dhiiga iga cabbir hadana… waxa uu yidhi OK wuu iga cabiray… wuxuu yidhi niyaw waad buktaaye aayar maad joogi oo shaqadan shaqo ka fiican maad doonan mise waxaad rabtaa in wadnahaagu istaago maalin dhaw ama xanuunkaaga halkan waxba lagaga qaban kari waayo…waxaan ku idhi waan qado tagayaaye iisoo ducee… waxaan tagay xaafadii oo waan qadeeyay waanan seexday markaas hadana waan gami waayay laakiin waxaan doontay bun {coffee} casariye ah salaadii maqarib markii la eedaamay ayaan ku dhacay dhulka waxaana la iila cararay cusbitaalka waxaana aan soo toosay anigoo waadhka aala oo maalintii dambe aroortii sagaalkii subaxnimo iyadoo reerkaygii oo dhan iyo asxaabtii oo dhan ooyayaan oo la mooday inaan socday…{dhintay} waxaanan arkay in qaliin yar oo fudud la igu sameeyay xaga xididada qoorta… si xumbo dhiigayga la socotay looga yara neefiyo… waa sidii la igu yidhi waxaan idhi dhaqtar maxaa sababa waxa uu yidhi dhiigkar noocii ugu xumaa ayaad yeelatay markaa hadalka joogi isha allaah ma hadli kartid dadkaaga oo dhan cidi kumasoo booqan karto taleefan laguuma ogola ma farxi kartid ma nixi kartid ilaa intaan ogaanayo… intan aad koomada ka baxday sidaad noqoto… dhaqtarka waxaan u sheegay in kaadidu I hayso… wuu ka naxay oo wuxuu yidhi waxaan ilaahay ka baryayaa inaan kalyahaagu istaagin oo aanay shaqada joojin… aamiinbaan idhi… waxaan ku idhi dhaqtarka waxaan u baahnahay quraan in la isaaro ama aan cabo oo la ii tufo… wuxuu igu yari islaambaynu u nahay taase reerkiina qof kamid ah wadaad ha kuugu yeedho… waxaan is idhi malaha waad dhimanaysaa… hadana shaydaanka ayaan iska naaray intaan ashahaatay… waxaan xusuustay dhibkii aan gali jiray iyo xaaladihii aan soo maray… waxaan xusuustay dadkii I odhan jiray siyaasada nasiib waynbaad ku leedahay… dhawr jeer oo aan faashaday ayaa la ii sheegay inaan mustaqbalka dhaw ku najixi doono siyaasada… laakiin saaka waxaan is idhi maxaad u ogaan wayday inaad ku dhiman karto… dhaqtarka ayaa igu yari miyaad isla hadlaysaa… show hadalkaan dhaadheereeyay markaasan sidii wax soo baraarugay idhi maya… markaasuu yidhi waad nasiib badan tahaye waxba ha walaalcin is deji taasaa caafimaadkaaga kamid ahe… waxaan idhi dhaqtar hadii aan kasii darayo maxaad ku talin lahayd waxaa uu iisheegay marka aan kalyahaaga eegno hadii ay gaabis yihiin waxaan kuu diraynaa dhaqtar dibada ah oo wadamada jaarka ah… hadii kale halkanaan kugu dawayn doonaa isha allaah…waxaa iisoo gashay xaaskayga oo yara ooyaysa markaasuu dhaqtarku canaantay oo yidhi ninkan looma baahna cid xanuunkiisa sii kordhisa walaashayey iska jog oo dibada ka oy makraasaan ku idhi waar soo daa nadalyahay gabadha aan aamusiiyee… markaasay kasii dartay oo cabbaar islawada oynay iyadoo ay nagu dartay inantayda wayn oo show lasocotay… runtii waan yara naxay waxaanan idhi aamusa yaanay iga raacine waxba ma qabee aamusa miyaad waalantihiin naga aamusa sided noqoteen naga baxa ayaan idhi makraasaan hadana kooma galay iyagana dhaqtarkaa saaray markaasay xoog qaylo ugu dhufteen dadkii oo dhan ayaa mooday inaan go,ay maalintaas waxaana taleefanada la iskugu sheegay inaan dhintay oo tii ilaahay I heshay balse hadana dad badan baa ogaa inaan kooma ku jiro oo aan wali noolahay waxaana dhaqtarku iga xidhay gabi ahaanba wax booqasho dame ah ilaa inta uu xaalkaygu kasoo raynayo ama aan natiijo soo saarayno ayuu yidhi hadii kale meeshan ka qaata oo meel kale gaysta ayuu yidhi waxaana maalintaas aan soo baraarugay iyadoo ay quraan igu akhriyayaan laba wadaad oo mid kasocdo rugta IHSAN HERBAL CENTER waxaana markii aan baraarugay iga hadlay shaydaan yidhi sixirbaan xidhiidh la leenahay oo anagaa dhiigiisa wareejinayna waanan baxaynaa hadii sixirka lagasoo saaro kaabada aqalkiisa dhinaca bidixda ku jira… isla markiiba labadii sheikh mid kamida ayaa cararay oo meeshii ka eegay waxaana lagu arkay qardhaaso iyo timo iyo laf iyo caagad aan sharaab ka cabay oo carabkaygu taabtay iyo bakoorad raasa oo aan lahaa oo aan waayay oo la jabjabiyay iyo laba sharabaad oo aan lahaa oon ku waayay habeen meel majlis ah oo aan fadhiisan jiray waxaasoo dhan oo meel ku aasan ayaa lasoo foqay makaasay labada sheikh taleefanka ka wada hadleen markaasuu yidhi sii daa jinka hadaba oo dhaari inaanu soo noqon markaasuu yidhi jinkii waar anagaaba ninkan ku dhex cadibnayn oo dib ugusoo noqonayn ee ninkani waxii uu cunayo iyo waxii uu cabayo iyo meeshuu fadhiisanayo iyo ciduu raacayo iyo ciduu la dagaalamayo ha iskaga fiirsado hadii kale maalin walba tan oo kale ayaa u taala nabad galyo waanu baxay waxaana meeshaas lagu gubay allaabtii meesha lagasoo saaray oo runtii aad u cajiib ahayd waxaana ii uray laydh qabaw oo gashay maskaxdayda iyo qalbigayga waxaan seexday hurdo aanan waligay seexan waxaanan toosay anigoo nabar yar oo qudha ku leh qoorta oo dhaymo u baahan caadi u kaadhshaya caadi u kici kara ordi kara cuntada si fiican qaadanaya cidna aan ka xanaaqayn codkaygu kii sideed sanno kahor yahay bilaabay soo dhawayntii qof walba aan u samayn jiray dhaqtarkiina waa I fasaxay waxaanan runtii ogaaday xidhiidhka ka dhexeeya SIYAASADDA IYO SHAYDAANKA WAXAANAN HADA TIROKOOBAA INTA NIN EE QAALIGA AH EE INAGAGA DHINTAY waxaanan ka shaqeeyaa sidii rag badan oo nool aan uga saari lahaa anigoo ah cabdiraxmaan muuse waxaan hambalyo usoo jeedinayaa dhamaan dadka I jecel ee xanuunkayga ka xumaa runtiina rabay caafimaadkayga dibad gudo ha joogeene dhamaan tol… asxaab…axsaab… dhaqaatiir… culimaaudiin… waxaan leeyahay sheekadii sadex dhibcood way xidhan tahay …

 

Waxaa qoray sh.jabir herbalist

 

hoosiis@hotmail.com

 

4436071

COMMENTS
LINKS