Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Somaliland oo La Kulmay Boqorada Dalka Ingiriiska Queen Elizabeth, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Somaliland oo La Kulmay Boqorada Dalka Ingiriiska Queen Elizabeth,
March 12, 2015 - Written by Editor:

LONDON(Wajaalenews) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa Caawa u Dhoofay Dalkii Hooyo ka dib markii uu dhamaystay Socdaal Rasmi ah oo uu ku yimi Dalkan UK. Xeer Ilaaliye Xasan waxa uu ka soo qayb galay Xuskii loo Sameeyay Axdigii loo yaqaanay Magna Carta oo Sideed Boqol oo Sanadood ay ka soo wareegtay, ahaana Axdigii Gundhiga ama Aasaaska u ahaa Nidaam Sharciyeedada Dunida lagaga dhaqmo oo ku astaysan ilaalinta Xuquuqaha Aasaasiga ah iyo u Sinaanshaha Sharciga ee Muwaadiniinta. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen 120 Dawladood oo ay ku jireen Sagaashan Wasiir Cadaaladeed iyo Xeer ilaaliye ayaa waxaa lagu lafo guray arrimaha Qaanuunka Iyo sidii Dunidu ay isaga kaashan lahayd in Sharcigu uu noqdo mid dadka haga oo loo siman yahay.

xeer ilaaliyaha somaliland oo lakulmay boqorada ingiriiska

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa waxa uu shirkaas ku soo bandhigay sida ay Somaliland u tahay Qaran ay u dhisan yihiin Laamaha Cadaaladiisu, iyada oo reer Somaliland ay ku guuleysteen inay dib u Unkaan Sharcigii iyo Kala Danbayntii ku burburtay Dagaaladaii Qadhaadhaa ee soo maray Dalkeena, waxaana uu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Dal Dimuqraadi ah ah oo ay Muwaadiniintu Codkooda ku soo doortaan Madaxdooda, taasi oo aan ka dhicin Dalal badan oo dunida ah, Waxaana uu Tilmaamay in Horumar balaadhan ay Somaliland ka Samaysay Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Sinaanta Sharciga.

Xeer ilaaliyahu waxa uu mudada uu joogay Kulan la qaatay Wasiirka Caddaaladda UK Hon. Chris Graylin oo ay si qoto dheer uga wada hadleen Xaalada Guud ee Dalka Somaliland iyo sii Xoojinta Xidhiidhka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada Dal iyo labada Umadood. Waxaa ugu Danbayn uu Xeer Ilaaliyuhu uu Qasriga Boqortooyada UK kula kulmay Boqorada Dalkan UK Queen Elizabeth II. Waxaana uu Xeer ilaaliyaha guud uu Caawa u Anbobaxay Dalkii Hooyo.

Ugu DanbaynXukuumada Jamhuuriyada Somaliland ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si weyn ugu dedaalaysa sidii Caalamka ay u gaadhsiin lahayd Yuhuunta iyo Rabitaanka Shacbiga Somaliland ee ku Salaysan sidii dunidu ay u garwaaqsan lahayd Xaqa ay Ummada reer Somaliland u leeyihiin in Qarankooda la Aqoonsado, waana Yoolkaas ka ay ka duulayso kuna hawlan tahay ka midho dhalintiis, taasoo la gaadhi doono wakhti aan fogayn.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland

kaysar@diplomats.com

COMMENTS
LINKS