Wasiirrada Maaliyada Oo Caawa Kormeer Ku Tagay Kastamka Kalabaydh Iyo Dareenada Ku Xeeran. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirrada Maaliyada Oo Caawa Kormeer Ku Tagay Kastamka Kalabaydh Iyo Dareenada Ku Xeeran.
March 30, 2015 - Written by Editor:

Gabiley(Wajaalenews) Wasiirka wasaarada maaliyada somaliLand Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa caawa kormeer aan hore  noociisa loo arag  ku tagtay kastamada Abaarso iyo kalabaydh abaar;7;30fiidnimo safarka wasiirada ayaa waxay wararku shegayaan in uu ku weheliyay buuqashada kastamka kalabaydh maayarka Magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi

Safarka wasiirka maaliyada ayaa ahaa mid ku cusub safarada caadiga ah ee ay sameeyaan wasiirada dalku iyo kuwii soo maray wasaarada maaliyaduba

waxa kale o wararku intaa ku dareen in caawa safarkeeda ka bilowday kastamka abaarso oo ay xiligaa Uu ka maqnaa maamulihii kastamku

Kastanka kalabaydh ayaa waxay ku sugnay mudo iyadoo u kuur galaysa sida ay shaqadu usocotay

Safarka wasiirada ayaan gabi ahaanba aanay la socon masuuliyiinta wasaarada maaliyada u qabilsan galbeedka somaliland sida iskuduwaha gobolka gabiley ee wasaarada maaliyada cumar xasan caalin

Ujeedada safarkan habeenimada ah ayaa abuuray dareeno kala duwan oo ku saabsan sida wasiir samsam uga cabsi qabto hoos u dhac ku yimaada dakhliga kastamka kalabaydh oo ah kastanka labaad ee dhaqaalaha dalku ku tiirsan yahay

wasiirka maaliyada ayaa todobaad ka hor ku tagtay kormeer kastanka kalabaydh kaasi oo ay ku wabariisatay halka caawa ay fiidkii tagtay

Isku soo wada duuboo wasiir Samsam ayaa la filayaa in ay isku badal ku samayso qaarkamida kastamada galbeedka iyadoo loo aanaynayo in ay Badasho xubno kamida masuuliyiinta kastamada oo mudo dheer xilka hayay

masuuliyintan oo lagu tuhmayo in ay xidhiidh dhow la lahaayeen wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale sidoo kale waxaa loo dhagtagayaa isdabalka ayku samayso maamulada kastamada oo noqonaya isku badalkeedii ugu horeeyay

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS