Wasiirka Qorshaynta Oo Ka Hadlay Haay’adda Somaliland Ku Tilmaamtay Argagixiso iyo Khilaafka Ka Taagan Jaamacada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Qorshaynta Oo Ka Hadlay Haay’adda Somaliland Ku Tilmaamtay Argagixiso iyo Khilaafka Ka Taagan Jaamacada Hargaysa
March 21, 2015 - Written by Editor:

waxa uu sheegay in ay ku gudo jiraan sidii wixii khaldamay loo sixi lahaa

Hargaysa(Wajaalenews)Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka somaliland Dr Sacad Cali shire ayaa ka hadlay Murunkii hadheeyay jaamacada Hargaysa isaga oo sheegayna iyo Gudi Madax Banaan loo saaray khilaafka ka taagan.

waxa uu sheegay in ay ku gudo jiraan sidii wixii khaldamay loo sixi lahaa sharci adagna jaamacada loogu samayn lahaa,isaga oo cadeeyay inaanay jirin go’aamo uu kaligii iska soo saaray wasiirku.

sidoo kale waxa uu ka hadlay haay’adda Daynish Ah oo somaliland ku tilmaamtay dal Argagixiso Ah oon la isku halayn Karin Amaankood isaga oo cadeeyay inuu wada hadal dhex maray Safiirka keniya u fadhiya dalkaas.

“Hortu Adeer Jaamacadda Hargaysa Baaba Kuma dhawa,jaamacaduna runtii

Horumar Balaadhan ayay samaysay Sadexdii Sano ee ugu danbeeyay,Halkii Ay joogtay Markii Hore iyo Halka ay Maanta joogto Aad ayay ukala Fog Yihiin,Haday Noqoto Dhinaca Maamulka Dhinac Ardayda,Dabcan Tabasho way iska Jirtaa,Meel Tabasho La’ina Majirto Lakiin Anaga waajibka Nasaarani Waxa weeyaan Sidaanu u Sixi Lahay una waanajin Lahan Jaamacadda.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Hadalkiisa Siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.

“waxaanu samaynay Afar Gudo Si Sharci ah loogu noqonayo Kuwa Dhaqaalaha kuwa Akaadamiyada iyo kuwa maamulka intaas oo dhan,Wiigan Gudihiisa ayaanu shir iskugu Soo noqonaynaa Sidii Aanu shuruucda jaamacadda meel iskula dhigi lahayn Sharci lagu dhaqmana ugu samayn Lahayn,Hamigayagu waxa uu yahay in ay Jaamacadu Noqotu jaamacad Tayo leh oo caalamka Laga ictiraafsan yahay oo jaamacaddaha Ugu wanaagsan geeska Africana noqota.

Dhinaca kale waxa uu jawaab ka bixiyay wasiirku Hadal ka soo yeedhay Haay’add  Dhanish Ah oo Amaanka Somaliland ku tilmaamtay Mid Aan la isku halayn Karin waxaana uu yidhi.

“Waan Arkay waan soo saaray waxaanan kala hadlay safiirka u fadhiya dalka Keniya Si gaar ah emailna waan u diray waxaanan kala hadalna in lasaxo ama laga saaro warkaas ay shegeen somaliland.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay Kooramkii gudida boodhka jaamacada oo maalin kasta Kooram la’aan u baaqday iyo go’aamada uu soo saaro guddoomiyaha boodhka oo loo yaqaano go’aamo sacad waxaana uu yidhi.

“runtii arimahaas waxba kama jiraan gudidu runtii markii hore waxa ay ahayd sagaal,Laba qof ayaa naga baxay hada waxaanu ku joognaa todoba labadaas baxayna waxaanu ku talo jirnaa inaanu buuxino,markaas wax afar Qof oo kooram ah aanu go’aan ku gaadhno maba jiraan,gudiduna runtii bishii mar ayay fadhiistaan go’aan kaligayba Magaadhi Karo wax iga-fulaana waxba majiraan ee waa go’aan loo dhan yahay ayaanu gaadhnaa waana arin gudi.

 

COMMENTS
LINKS