Wasiirka Cusub Ee Warshadaha Oo Xilkii Si Rasmi ah Ula Wareegay Iyo Nuxurka Khudbad dheer Oo Uu Madasha ka Jeediyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Cusub Ee Warshadaha Oo Xilkii Si Rasmi ah Ula Wareegay Iyo Nuxurka Khudbad dheer Oo Uu Madasha ka Jeediyay
March 23, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warshadaha Somaliland, Shucayb maxamed Cali, ayaa Maanta xilkii wasaaradda kala wareegay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda oo isagu xilka si ku-meel-gaadh ah usii hayey.

WASIIR SHUCAYB,

Munaasibadda Xil-wareejinta oo lagu qabtay Hool wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxa kasoo qaybgalay badiba Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley oo uu wasiirka cusubi maayar u ahaan jirey, Wasiirrka Wasaaradda Ganacsiga, Muuse Qaasim, Xildhibaanada Magaalooyinka Gablley, Borama, Burco, Hargeysa, Xildhibaanno, Cuqaal, Salaadiin iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana Halkaas Wasiirka Cusub loogaga duceeyey inuu Eebee u fudaydiyo xilka loo dhiibay.

Wasiirka Cusub ee Xilka Warshadaha la wareegay Shucayb Maxamed Muuse oo ahaa maayarkii hore ee Degmada Gabiley, ayaa xil-wareejintiisa ay si weyn uga muuqatay Abaabulka Maayaradda kale ee Dalka iyo sida ay ugarab taagnaayeen, waxana ay muujiyeen inay ku faraxsan yihiin inuu u dallaco dhinaca Golaha Wasiirrada, taasina ay iyaga utahay arrin ku dayasho mudan.

Ugu horrayn maayarka Degmada Burco Mudane Muraad oo Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu arko maayar saaxiib dhaw ay ahaayeen oo maanta dhextegay Golaha Wasiirrada, waxana uu intaas ku daray inay muujinayso in ciddii dedaashaa ay si fudud u gaadhi karto meel kasarraysa halka ay joogto.

Sidoo kale waxa Wasiirka cusub halkaas ka hambalyeeyey Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamed Ciddin, waxana uu xusay in Isku-wadkii uu caanka ku ahaa xilligii uu maayarka ahaa uu haatanna la dhextago golaha Wasiirrada, isla-markaana uu wasiirrada dhexdooda ka muujiyo dedaalkii uu caanka ku ahaa xilligii adkaa ee Maayarnimada.

Maayaradda Magaalooyinka Hargeysa iyo Borama oo Hadalka u kala dambeeyey, ayaa iyaguna ku dheeraaday sida ay ugu faraxsan yihiin inay arkaan Saaxiibkoodii dhalay oo maanta meel sare u dallacay, waxana ay xuseen inay ka rajaynayaan in Baahiyaha Dawladaha hoose yaalla uu geyn doono Golaha Wasiirrada dhexdooda, maadaama uu muddo kusoo dhex jirey.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr Muuse Qaasim oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xilka loo igmaday Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warshahada Shucayb Maxamed Muuse, waxana uu Hoosta ka xarriiqay inuu doorka dhallinyarada ee uu metelo ka muujiyo firfircooni iyo dedaal keeni kara in Da’yarta loo dhiibo xilal kale oo ka culus midka uu hayo haatan.

 

Cali Axmed Maxamuud, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha, ahna sii hayihii xilka wasaaradaas ku wareejiyey Wasiirka Cusub oo Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inuu Kalsooni buuxda ku qabo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda loo igmaday, waxana uu xusay inay si wada jir ah u muujin doonaan kartida dhallinyaranimada, isagoo ku dheeraaday inay horumarka ku gaadhi karaan iskaashi iyo maskaxda oo la tuujiyo.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Warshada Shucayb Maxamed Muuse oo Halkaas khudbad dheer ka jeediyey, ayaa sheegay inuu dedaal u geli doono Horumarka iyo taabogelinta Wasaaradda xilkeeda dusha laga saaray.

Wasiir Shucayb, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahadnaqay doorka muuqda ee uu Dhallinyarada waddanka ka siiyey Saamigoodii, waxana uu yidhi,

“Madaxweynaha Somaliland waaan uga mahadnaqayaa fursadda qaaliga ee uu siiyey iyo dabarkii uu kaga furay sidii ay talada qaranka qaybtooda uga qaadan lahaayeen, waxana aan si kalsooni ah dhallinyaro ahaan ugudanayaa xilkayga. Waana aan Hambalyeynayaa cidkasta oo talo ku lahayd inay dhallinyaradu talada qaranka qayb ka qaataan.”

Wasiir Shucayb oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay warshaduhu yihiin lafdhabarta dhaqaale ee Waddan leeyahay, wixii karaankiisa ahna uu horumarin doono,

“Waxan aaminsanahay inay warshaduhu yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee dal uu leeyahay, dalalka maanta horumarayna warshadaha ayaa kaw ka ahaa, dal walibana marka uu xagga warshadaha ka horumaro ayuu ku hamiyey inuu dhaqaale abuuro. Xaqiiqda loo baahan yahay in la fahmaana wa qofka xilka loo igmado, ayaa ay tahay inuu keeno wixii horumarka ahaa.” Ayuu yidhi Wasiir Shucayb.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warshadaha Shucayb Maxamed Cali, Waxa uu si cad u sheegay inuu wasaaradda Warshadaha ka dhigi doono mid shaqaysa oo Codsiyada shaqooyinkeedu buux dhaafiyaan Madaxtooayda somaliland, waxana uu yidhi,

“annagoo kaashayna wasaarad ahaan khibradda, waayo aragnimada iyo aqoonta bulshadeena iyo aqoonyahankeenaba, waxa aanu isbeddel muuqda ka samayn doonaa Wasaaradda warshadaha, qof ahaan waxan leeyahay yool ah inay wasaaraddu noqoto Wasaaradda CV-yadeedu madaxtooyada ku bataan oo la yidhaahdo wasaaradda Warshadahaan Shaqo ka doonayaa.”

Ugu dambayntii waxa uu Wasiir Shucayb maxamed Cali si rasmi ah ula wareegay xilkii wasaaradda Warshadaha, waxana dhammaanba kasoo qaybgelayaasha Xilwareejintaasi ugu duceeyeen inuu ilaahay u fudaydiyo xilka loo igmaday.

 

 

COMMENTS
LINKS