Warbixin Weerarkii Maka Al-Mukarama oo la Sheegay in ay ku Geeriyoodeen 21-qof | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Weerarkii Maka Al-Mukarama oo la Sheegay in ay ku Geeriyoodeen 21-qof
March 28, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews) — Ugu yaraan 21-qof ayaa la sheegay inay ku naf-waayeen weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama oo socday 15-saacadood oo xidhiidh ah; sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska Somalia.

weerarkii maka almukarama

Hoteelka ayaa waxaa haatan si buuxda gacanta ugu haya ciidamada gaarka ah ee dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo gudaha hoteelka loogu tagay maydadka dad la toogtay, waxaana dadka dhintay ku jira lix ruux oo fuliyay weerarka.

Captain Maxamed Xuseen oo ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in howlgalka lasoo afjaray laguna dilay weerarka 21-qof oo ay ku jiraan xoogaggii weerarka soo qaaday.

“Waa lasoo af-jaray howlgalka. Hoteelkana waxaa si buuxda gacanta ugu haya,” ayuu yiri Cap. Xuseen oo intaas ku daray. “Weerarkaan oo saaka la soo gaba-gabeeyay waxaa ku dhintay 21-qof oo ay ku jiraan kooxihii soo weeraray.”

Afhayeenka xukuumadda Somalia, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa isna sheegay in lix ka mid ah xoogaggii weeraray hoteelka dhammaantood la dilay intii uu howlgalku socday. Balse waxaa lasoo bandhigay maydadka saddex ruux oo ka mid ahaa kooxihii weerarka soo qaaday.

Dadka lagu dilay weerarka Hoteelka ayaa waxaa ka mid ah danjirihii Soomaaliya ee Geneva Yuusuf Bari-bari iyo haweeney la taliye u ahayd wasaaradda maaliyadda Somalia oo lagu magacaabi jiray; Farxiyo Bashiir Nuur.

Sidoo kale, dadka dhintay waxaa ku jiray afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalka ka fulinayay hoteelka iyo lix qof oo shacab ah, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Somalia.

Weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in xoogaggii weerarka geystay ay qaarkood iyagoo bad-qaba ka baxeen hoteelka, inkastoo uusan bixin faahfaahin intaas dhaafsan.

Ugu dambeyn, weerarka waxaa ku dhaawacmay 28 ruux oo dhammaantood isbitaalka Madiina la geeyay, waxaana dhintay afar ka mid ah dhaawaca oo uu ku jiray Yuusuf Bari-bari oo ahaa danjirihii Somalia ee Geneva.

COMMENTS
LINKS