Wararkii Ugu Dambeeyay Tiyatarka Hargeysa Oo Dablay Hubaysan Iyo Ciidanka Boolisku Isku Rasaseeyeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Dambeeyay Tiyatarka Hargeysa Oo Dablay Hubaysan Iyo Ciidanka Boolisku Isku Rasaseeyeen.
March 3, 2015 - Written by Editor:

TIYAATIRKA

Hargeysa(W.N):Ciidamada RRU-da iyo Rag hubaysan ayaa galabta isku rasaaseeyay gudaha Magaalada Hargeysa, gaar ahaan dhismaha Tiyeetarka cusub ee Xaafadda New Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.
Dhismaha Tiyeetarka Hargeysa oo uu Maalgashaday Ganacsadaha Cumar Caydiid, hasa-yeeshee bilihii u dambeeyay uu Muran ka taagnaa Mulkiyadda wajahaddiisa hore ee eegaysa saldhigga Booliska ee xaafadda New Hargeysa, ayaa waxa isku rasaaseeyay Ciidamada RRU-da iyo rag hubaysan oo ka socday dhinaca Cumar Caydiid.
Is rasaaseynta ayaa bilaabantay ka dib markii sida la sheegay uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland, Cali Maxamed Waran Cadde oo halkaasi tagey uu isku dayey inuu fulin u sameeyo nin lagu Magacaabo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo la wariyey in xukuumaddu siisay Wajahadda hore ee dhismaha Tiyeertarkaasi.
Lama oga in is rasaaseyntaasi uu ka dhashay Khasaare iyo in kale, laakiin dad goob-joogayaal ah ayaa Qarni news u sheegay in ragga hubaysan ay ku horeeyeen rasaaseynta ciidamada, taasi oo uu RRU-duna kaga jawaabtey Rasaas.
Bilihii u dambeeyay ayaa waxa suuqa ku jiray warar la xidhiidha muranka ka taagan mulkiyadda wajahadda hore ee dhismaha Tiyeetarka maanta la doonayey in fulin lagu sameeyo, taasi oo waddada u xaadheysa in dhismayaal kale laga hor dhiso Tiyeetarkaasi, qorshahaasi oo ah ka ganacsadaha Maalgashay Tiyeetarku ka soo horjeeddo.

Faahfaahinta Dhismaha Tiyeetarka Hargeysa

Dhowr sano ka hor ayaa xukuumaddu tiyeetarka ku wareejiyey ganacsade Cumar Caydiid, waxaanu ilaa wakhtigaasi waday dhismahiisa. Dhismaha wakhtigan ee Tiyeetarka ayaa ka kooban 128 Tukaan (qolalka loogu talo-galay Meheradaha Ganacsiga), Laba Masaajid. Xarunta Tiyeetarka ee loogu talo-galay in riwaayadaha/filimada lagu dhigo oo ah hool qaadaya ilaa 4500 qof. Laba hool oo midkiiba uu qaadayo ilaa 200 qof, kuwaasi oo loogu talo-galay arroosyada ama casuumadaha gaarka ah, isagoo sidoo kalena dhismaha Tiyeetarku ka kooban yahay ilaa 6 dabaq oo midkood yahay dhulka (Under Ground)
Xogaha Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in ganacsade Cumar Caydiid uu dhismaha intaasi leeg ku kharash gareeyay ilaa $ 9 Milyan oo dollarka Maraykanka ah. hasa-yeeshee muranku uu ka taagan yahay cidda sharciyan leh wajahadda hore ee dhismahaasi oo wakhtigan ah banaan loogu talo-galay in la dhigto Baabuurta (Parking), halkaasi oo ah halka la wariyey in xukuumaddu siisay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka beesha bariga Hargeysa.

Warka Tiyeetarka
Rabshadaha Maanta ayaa ka dhashay go’aan sida la wariyey xukuumaddu ku doonayso inay rasmi ahaan Suldaanka ugu wareejiso wajahadda hore ee dhismahaasi.

COMMENTS
LINKS