Warar FaahFaahsan Ee Laga Helayo Rabshado Sobobay Dhaawac Galabta Ka Dhacay Xarunta Tiyaatarka oo Xukuumadu Dib U iibisay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar FaahFaahsan Ee Laga Helayo Rabshado Sobobay Dhaawac Galabta Ka Dhacay Xarunta Tiyaatarka oo Xukuumadu Dib U iibisay
March 2, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) Rasaasta ayaa ka yeedhay agagaarka dhismaha tiyaatarka magaalada hargeisa kaasi oo subaxnimadii saaka ay xukuumadu soo dhoobtay ciidamo la wareegay gacan ku haynta dhismaha uu dhisayo ninka ganacsadaha ah ee reer hargeisa oo dawladii riyaaale ka iibisay,

rabshada tiyaatarka 1

Inta la Ogyahay Waxa isbitaalka Hargeysa la keenay Dhawicii ka dhashay Dagaalkaasi halkaasi ka socda.

Wararka ayaa sheegay in xukuumada maxawayne siilanyo ay dib uga iibisay ganacsato kale oo reer Hargeisa isla mar ahaantaaasina subaxnimadii saaka soo dhoobtay ciidamo ay horka cayaan ganacsatadaasi oo hilfaha loo qaaday dayrkii xaydaabka dhismaha isla mar ahaantaasina la galiyey cagaf gacan ku haytiisana lagala wareegay dadkii joogay goobta.

Waxaanay waraku sheegeen in koox ay isku hayb yihiin oo hubaysani ay goordhawayd soo gaadhay goobta uu ku yaalo dhismah tiyaatarka hargeisa oo dhinaca bari ka xigta dawlada hoose ee hargeisa halkaasi oo ay rasaastu hada ku dhex marayso ciidanka qaranka iyo ragan hubasan.

 

COMMENTS
LINKS