Warar Dheerada oo kasoo baxaya Weerarkii Maka Al-Mukarama Hotel iyo Al-shabaab oo Sheegatay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheerada oo kasoo baxaya Weerarkii Maka Al-Mukarama Hotel iyo Al-shabaab oo Sheegatay
March 27, 2015 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews) Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku geeriyooday weerarro ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen maanta Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo kooxaha hubeysan ay gudaha hoteelka ku jiraan, waxaana weerarkan uu noqonaya kii labaad oo lagu qaato hoteelkan inta lagu jiro bishan Maarso.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay iyagu weerarkaas fuliyeen ayna ku dileen tiro ka mid ah dadkii hoteelkaas ku sugnaa, wuxuuna xusay iunay xoogaggoodu gudaha u galeen hoteelka ayna gacanta ku hayaan.

“Innaga ayaa ka dambeynay weerarka Hoteel Maka Al-Mukarama, waxaana fuliyay howl-galkan ciidamadeenna gaarka ah ee Muqdisho ku sugan,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada Al-shabaab Sh. C/casiis Abuu-Muscab.

Sidoo kale, S/xiddigle Cali Xuseen oo ka tirsan ciidamada booliiska Somalia ayaa sheegay in dhimashada uu og-yahay ay tahay toddoba qof, tiro intaas ka bandanna ay dhaawacyo ka soo gaareen.

“Dadka ku geeriyooday ee aan illaa hadda ognahay waa todoba qof, waxaana dhici karta in ay dhimashadu intaas ka badato,” ayuu yiri Cap. Cali Xuseen oo hadalkiisa ku daray inay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo khasaaraha.

Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xilliga uu weerarku dhacayay gudaha hoteelka ku sugnaa, kuwaasoo la sheegay in qaarkood ay qolalka hoteelka ku xiran yihiin.

“Kooxo hubeysan ayaa gudaha u soo galeen hoteelka kaddib markii uu qarax weyn dibada hoteelka ka dhacay… kooxaha hubeysanna weli waxay gacanta ku hayaan hoteelka,” ayuu yiri Ismaaciil Colow oo ka mid ah saraakiisha booliiska.

Laba baabuur oo qaraxay ayaa yaalla dhabarka dambe ee hoteel Maka Al-Mukarama, sidoo kalena waxaa lagu arkayay hal qof oo mayd ah oo goobta yaallay, iyadoo xaaladdu ay aad u cakiran tahay, ciidammo badan oo kuwa dowladda ahna ay ku sugan yihiin agagaarahaha hoteelka oo dhan.

COMMENTS
LINKS