|
|||||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
War Deg Dega; Madaxwayne Siilaanyo Oo Buuxiyay Labadadii Wasaaradood Qaarkale Xilalkii Ka Qaaday Kuwa Cusubna Magacaabay,
March 14, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015, uu ku magacaabay saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud, Gudoomiyaha banka dhexe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka hawd iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha, isla markaasina xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday saddex masuul oo kale. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaraddaha Warshadaha, Waxbarashada, Beeraha, iyo Wasiiru-dawlayaasha Wasaaraddaha Macdanta iyo Tamarta, iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday
Ujeedo: Xil ka-qaadis Ku: Mudane, Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL Ku: Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL Ku: Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka .
Mudaneyaal,
Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi aad hayseen Masuuliyiinta kor ku xusan ee aan xilalkaa iyaga ah u magacaabay.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:Maamulka G. Gabiley Oo Ka Hadlay Xaalada Abaareed Ee Ka Taagan Deegaano Katirsan Gobolka Iyo Baaq Ay... Daawo:Xisbiga Wadani Oo Munaasibad Soo Dhawayn ah U Qabtay Taageerayaal Ka Soo Digo Rogtay XIsbiga K... “Khilaafka Doorashooyinku Wuu Ka Gudbi Doonaa, Heerka Uu Hadda Joogo, Muusana Waxa ka Go’an, In Tiis... COMMENTS
|
LINKS
|
||||||||||||||||||
|