War Deg Dega; Maayirkii Magaalada Gabiley Oo Loo Doortay Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Dheer Iyo Jawigii Golaha, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Dega; Maayirkii Magaalada Gabiley Oo Loo Doortay Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Dheer Iyo Jawigii Golaha,
March 17, 2015 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Golaha deegaanka ee magaalada gabiley ayaa maanta fadhi Aan caadi ahay oo ay iskugu yimaaadeen ku doortay gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada gabiley iyagoo xilkaa u cumaamaday xildhibaan maxamed amiin cumar dheere oo isagu kamid ahaa xildhibanada golaha islamarkaa ka tirsan xusbiga mucaaridka ah ee ucid

xildhibaan maxamed amiin cumar

Fadhigan oo ay kasoo xaadireen 19 mudan islamarkaana aanay jirin cid kula loolantay tartanka gudoomiyenimada golaha dhamaana ucodeeyay maayirka cusub

ayaa waxa cod aqlamiyada loo gudooray xildhibaan maxamed amiin

Buuxinta jagada maayirnimo ee magaalada gabiley ayaa timid kadib markii maayirkii hore shucayb maxamed muuse loo magacaabay xil wasiirnimo ahna wasiirka warshadaha somaliland

waa markii u horaysay ee golaha deganka gabiley oo midaysani doortaan maayir

wixii faahfaahina kala soco wararka danbe

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

COMMENTS
LINKS