|
|||||
WAJAALE NEWS
Toban Ceebood Oo Madaxwayne Siilaanyo Iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye Ku Suntanaan Doonaan Sooyaalkana Tusaale Lagu Xuso U Noqon Doonta,
March 30, 2015 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews)FAALO; Tacab ba,ay beer uun maahee mudo badan ayaan ku taamayay in aan tooshka idiinku qabto tobanka ceebood ee madaxwayne siilaanyo iyo hogaanka kulmiye ku suntanaan doonaan sooyaalkana tusaale lagu xasuusto u noqon doonta maamul xumada , Tobankan ceebood ayaa kamuuqda tabaha ama hanaanka siyaasadeed ee madaxwayne siilaanyo iyo hogaanka xusbiga kulmiye muj muuse iyo muj maxamed kaahin madaxwayne siilaanyo ku barbartaagan yihiin kuna taageersan yihiin taas macnaheedu miyaanu ahayn in tala xumada qayb laxaadle ka qaataan hogaanka kulmiye oo aanay u tudhin dalka,dadka.dhismaha dawladnimo iyo maamul wadaagaba, Hadaba si aad ugu aragtaan sidii dayax shan iyo tobnaada oo kale waa kuwan tobankii ceebood anigoo mid mid indiinku faahfaahin doona, 1,Xalaalaynta Musuqmaasuqa Boobka iyo Ku tagrifalka Hantida Qaranka;ayaa ah aafada u wayn ee masuuliyiinta xukuumada siilaanyo ka tirsani si badheedha ugu kacaan iyadoo aad moodo in fasax loo siiyay, waxaanan marag uga dhigayaa sida hawlgab looga dhigay hayad dhismaha dawladnimo iyo mamul wanaagaba tiir lama taabtaana oo udub dhexaada ka ahayd waa HANTI DHAWRKEE’ Sidaa darteed madaxwayne siilaanyo iyo siyaasada hogaanka xusbiga kulmiyaba waxay taariikhda kaga sun tanaan doonaan xalaalaynta musuqmaasuqa, boobka iyo ku tagrifalka hantida qaranka. 2;Ku Tumashada Sharciga iyo Jabinta Xeerrarka Dalka;ayaa lagu tilmaama mid bud dhig u ah hanaanka siyaadadeed ee madaxwayne siilaanyo ku hogaamiyo xisbiga kulmiye isku garab sadaan iyadoo marag looga dhigayo qaabka ku talo galka ah ee masuuliyiinta xukumada siilaanyo oo gun iyo baar ahi ugu badheedhaan jabinta xeerarka dalka, iyadoo waxba lays kaga tirin in laga talaabo xayndaabka sharciga markale madaxwayne siilaanyo wuxu dafiray shantii sano ee la doortay oo sagaanshan maalmood wax ka yari uga hadhay waxaanu goaansaday in uu ka talaabo sharciga mudadana loo kordhiyo. sidaas darteed wuxu ku suntanaan doonaa madaxwaynihii xalaaleeyay ku tumashada sharciga iyo xeerarka dalka, 3;Tabaha iyo Xeeladaha Madaxwayne Siilaanyo Ku Hogaamiyo Xukuumada Kulmiye. Ayay ka muuqataa tabcaanimo aan hore loo arag gaar ahaan siyaasada wasaarada arimaha dibada kadib markii madaxwayne siilaanyo tahli waayay in uu la socdo talaabo kasta oo masuuliyiinta xukuumadiisa ka tirsani ay qaadayaan iyadoo uu ku ilaalinayo hadaf siyaasadeed cad oo loo jeexay sidaas darteed madaxwayne siilaanyo iyo hogaanka kulmiye waxay isku garab sadeen kuna suntanaan doonaan tariikhdana lagu xusi doonaa tabcaanimo.tafaraaruq,jaantaa rogana 4;Hanaanka Dawladnimo Ee Madaxwayne Siilaanyo Ku Hogaamiyo Xukuumada Kulmiye,Oo Ay ka Muuqataa Talo Baahsani; Iyadoo dadka siyaasada u kuur galaa aaminsan yihiin in aanu go,aamada kama danbaysta ah kaligii gaadhin isla markaana lala wadaago sidoo kale waxa cadeeyay labadii wasiir ee samaale iyo abiib timacad oo xilalkii ay qaranka u hayeen iska casilay iyagoo iscasilaadooda ku sobobeeyay in ay taladu ku baahday aqalka madaxtooyada madaxwaynahana aanay ku koobnayn sidaas darteed xukuumada madaxwayne siilaanyo iyo hogaanka kulmiye waxay isku garab sadeen taariikhduna ku xusi doontaa talo baansan iyo kalsooni la.aan 5;Sidoo kale dhismaha dawlad tiro badan oo tayo xun ayaa lagu xasuusan doonaa hogaaminta madaxwayne siilaanyo; marka la barbar dhigo xukuumadihii ka horeeyay waana xukuumadii ugu horaysay ee tirada wasiirada,wasiirkuxigeenada,iyo wasiirudawlayaashu ay kor u dhafeen 70 xubnood 6;Hamuunta iyo tartanka loogu jiro tigidhada iyo fiisayaasha tamashlaha loogu baxo wadamada yurub iyo maraykan, ayaa ah mid xumadeedu wada taabatay masuuliyiinta xukuumada madaxwayne siilaanyo ka tirsan yahay sida maayarada,agaasimayaasha.wasiirada iyo wasiirkuxigeenada,wasiirudawlayaasha sidaasi darteed wuxuu madaxwayne siilaanyo ku suntanaan doonaa sooyaalkana lagu xusi doonaa xukuumadii dhoofka iyo tahriibka. 7; Talaabooyinka xukuumada madaxwayne silaanyo isgaga caabido xusbiyada mucaaridka; ayaa ah kuwo taran kanaxleh oo uu ku talaxtagay dagaalkooduna yahay mid ka tun wayn xadgudubna ku ah dimuqraadiyada iyo hanaanka xusbiyada badan, madaama madxawayne siilaanyo iyo hogaanka kulmiye u tafo xaydan yihiin burburinta xusbiyada mucaridka ah madxwayne siilaanyo wuxu ku suntanaan doonaa madaxwayne taran kanaxleh in lala tartamana aan ogolayn’ 8;Tacadiga ay Bulshada Qaybaheeda Kala Duwani Kala Kulmaan Masuuliyiinta Xukuumada Siilaanyo Iyo Hogaanka Xusbiga Kulmiyana Isku Garab Sadaan; ayaa marag looga dhigayaa weerarada saska bulshadu ka qaaday ee guryaha saqda dhexe loogu daato dhacdadan ayaa cadayn buuxda madax bannaani laaanta garsoorka dalka weeraradan oo ay fuliyaan cutub ka tirsan ciidamada booliska oo loo yaqaano RRU. tacadiga bulshada ayaa sumad gaara taariikhdu kaga xusi doontaa madaxwayne siilaanyo iyo hogaanka kulmiye ee ku taabacsanbanba 9; Taagdaro Aan Indhaha Laga Qarsan Karin Ayaa Ka Muuqata Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo, taagdaran oo ay sobobtay maamul xumadu waxaa dibada usoo saara difaaca indho la,aanta ah ee ay ugu jawaabaan marka tooshka warbaahinta,aqoonyahanka,indheergaradka iyo siyaasiyiinta mucaaridku ku dhaliilaan hogaamintiisa, inkasta oo ay haboonaan lahayd in uu arko talo tilmaan iyo toosin kaga imanaysa wax garadka balse taasi may dhicin madaxwayne siilaanyona iyo hogaanka xusbiga kulmiyana waxay ku suntanan doonaan xukuumad taagdaran, 10 Abaal laawe siilaanyo iyo hogaanka kulmiye lama soo koobi karayo hantaaqooyinka iyo hadimada ay bulshadii soo dooratay kala kulmeen, inkasta oo taageero mugwayn uu madaxwayne siilaanyo ka helay bulshada somaliland oo dhan tartankii doorashadii madaxwaynaha ee badhtamihii sanadkii 2010 dhacday si wayna uu ugaga guulaystay madaxwaynihii hore ee daahir riyaale kaahin, guntii iyo gabo gabadiina waxay ku suntanaan doonaan madaxwayne siilaanyo iyo hogaanka xusbiga kulmiye siyaasiyiin aan u tudhin dalka,dadka iyo dhismaha dawladnimo waxaana lagu xasuusan doonaa tudhaal la,aan tusaale u noqon doonta maamul xumadooda.
HARGEISA SOMALILAND EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM WRINTING BY WAJAALE STAFF Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|