“Tan Iyo Maalintii Xilka Loo Dhaariyay Madaxweyne Siilaanyo, Ma Jirto Warbixin Kaliya Oo Wax Wanaag Ah Ka Sheegtay Somaliland,………. Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Tan Iyo Maalintii Xilka Loo Dhaariyay Madaxweyne Siilaanyo, Ma Jirto Warbixin Kaliya Oo Wax Wanaag Ah Ka Sheegtay Somaliland,………. Muj Cali Guray
March 20, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa-(Wajaalenews)-Guddoomiye ku xigeenka Seddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Muj Cali Guray, ayaa iftiimiyay xaaladda uu dalka Somaliland, ku sugnaa tan iyo markii Madaxtinimada loo doortay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, sidaana waxa uu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo isaga oo dhamaystiran u dhignnaa sidatan,

“Somaliland way jirtay xiliyo ay ku waynaan jirtay indhaha bulshada caalamka oo ay qiri jireen waxa aynu qabsanay inaga oo ahayn dal dagaal ku burburay oo aan cid gacan qabatay jirin. Waxay odhan jireen Somaliland waxay mudan tahay ku dayasho ilaa markii dambe ey ka yaabeen ay gaadheen heer ay ku tilmaamaan inay tahay MUCJISADA AFRIKA.

Laakiin Somaliland taasi may ahayn tan uu Axmed Silanyo ka yahay madaxwaynaha. Tan iyo maalintii xilka loo dhaariyay Madaxwayne Silanyo ma jirto warbixin keliya oo wax wanaag ah ka sheegtay Somaliland mid ka dayrinaysa mooyaane, sidaa daraadeed shantii sanadood ee xilka loo doortay Axmed Silanyo ayaa noqotay Shan geedi oo Somaliland ay dib u guurtay dhinaca dawlad wanaaga iyo dimuqraadoyadaynta iyo dhinacyo kale, marka laga reebo dhismayaal aan badnayn oo soo kordhay intii ay xukuumadani jirtay. Hadaba dhismayaasha ay soo kordhisay miyay u dhigmi karaan shan geedi oo Madaxwane Silanyo uu dib u raray Somaliland?”, ayuu Mujaahid Cali Guray Ku soo gabagabeeyay qoraalkiisan

COMMENTS
LINKS