|
|||||
WAJAALE NEWS
SOMALILAND-DAL, DOQON MA WAYA AH. Qalinkii ENG Muhyadiin Yousuf Ibrahim
March 20, 2015 - Written by Editor:Jamhuriyada Somaliland waa dal 24 jirsaday wali se aan helin Ictirafka bulshada calamka Dalkan tan iyo malinti lagu dhawaqay la so noqoshada Goni Isutageeda ma helin hanaan dowladeedki saxda aha, mu helin hogaamiye horumariya marka laga tago Marxuum Cigal iyo Dahir oo midna hanaanka dowladnimo yab yaba midna hanaanka Dimuqradiyadeed tagay, dhanka horumarka wadan ma helin shaqsigi ku habona tan iyo malinta lagu dhawaqay, haday noqoto Mayar Degmo, Wasiir Wasaradeed, Agaasime Hayadeed iyo madaxa halka ugu sarayso ah Madaxwayne. Waxaa caqliga cafimadka qaba iswaydinaya halkay salaadu ka xidhmi la dahay?, madaxdeenu way roorta Tv iyo Warbahinta warkoda lagama wayo oo hagrasho kuma yara malahayga, Shacbigu inti ku wajibka ahayd ee kobcinta Bilicda iyo Dhaqalaha wadanka way ka qayb qaten, marag waxa kaga ah inta wado ee hada gacanta lagu hayo waxaa 50% iyo in ka badan howsha wada waa Shacbiga, iyago xaq u laha in 100% Dowlada ka gurta cashuurtu ay u samayso meelo si sahlan u maran wakhtiga adeegoda ganacsi iyo cafimad, waa se Gobanimada Shacbiyga Somaliland oo u ogoladay Odayasha, Hablah iyo Wiilasha u camal doonta Xukumadu inay mushahar ka dhigtan Cashurta tabarucadka ah ee ay so bixiyan. Aynu u so noqono su’aashena ahayd halkay wax ka qaloocan, dalkeenu wuxuu Ingiriis iska kiciyey 26 June 1960, Ingiriis oo aha kii ino keenay cilmiga Madiga ah ee Addunka ka jira ila manta, hadaba dadkii xiliga noola waxaay u arkayen ingiriiska cadawe Diimed iyo Dhaqan sida ka muuqata magacay ugu yeedhi jirine ( SAN CADALE). Goobaha tacliinta madiga ah waxaa gacanta ku haysay SAN CADALAHA cadowka sokeye u aha Awoow yasheen oo aha dad Diinta Suuban ee Islamka aad ugu adka iyado kaba yarad ta hada dalkeena tala. Awoowyashen iyo Waliidki xiliga noola SAN-CADALE haybad iyo sharaf midna umay hayn sida hada lo daba yaco ee sawirada lola galana may jirin ee hiif iyo uur xumay ku ahayd in SAN- CADALE dhex jogo cidooda hodank. Waa tan halkay hadaba wax ka qolocden ee ila manta ina curyamiyasa Awoow yasheen iyo dadki hore ee wakhtigasi waxaay ahayen dad Reer Baadiya ah oo lexjeclo Xoolo qabay, lex-jeclada xooluhu waxaay dhaxal siisay in Wiilba ku ka Baraarug iyo faridsan yahay Xoolaha lo diro oo lagu aamino, Reer waliba wuxuu xoolaha u dirta kooda ugu Caqliga iyo Garashada Dheer. Nacaski iyo mudayaci guriga laga tagay ee la yidhi reerka iska dul fadhi maqashan eeg waxaa u so baxay Fursad ay ka helen goobihi SAN-CADALE aqoonta madiga ku bixinayey Aabo kastan Wiilkisi uu xoolaha kala qustay wuxuu u diray goobihi SAN-CADALE iskulada ka dhigay. SAN-CADALE laga so bilaabo 1930 wuxuu wax ino barayey Nacasyadi reeraha laga so diray, ila ku dhawad 1970 reer kasta nacskisu u diri jiray wixii lo yiqinay iskulada lo hoydo (Boarding School). Dalkan Somaliland ila manta hareer kastod eegto waxaa hormod u aha Nacasyadi bariga Reerka laga mustafiriyey, haday tahay Golaha Sharci Dajinta oo aynu ka warqabno 82 Qof ee meesha joga mid mid dhama inan laga helayn, Golaha xukumada iyo Xisbiyada Mucaridka waxaa hor tuban waa Nacas yadi. Somaliland waxaay noqotay Doqon ma waye oo waxaa kurasta dalkan logu shaqeeyo Agaasime waxed, Barlaman ila Madaxwayne ino arimiya waa dadki waalidkod ka qusten. Ilmana walidki logama Aqoon badna, 24ka sano guulaha wadankani gadhay waxaa hormod ka aha GOLAHA GURTIDA oo aha Odayal dhaqamed iyo diimed, tasi waxay cadayn u tahay in Waxgaradka Duqaydu ay ka warqaben Nacasnimada Wiilashoda. Somaliland ila Nacasyadasi ka dhamadan Saaxada hogaaminta iyo xukunka ma hiigsan doonto halkay rabtay. Waxaan kaga baxaya hadalkayga Wale Reer aan ogahay ma Guuro. ENG Muhyadiin Yousuf Ibrahim Hargeisa-Somaliland Muxyo04@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|