Siilaanyo oo Jahwareer Siyaasadeed Galay,Marwadii oo La la’yey Meel ay Jaan iyo Cidhib Dhigtay iyo Ergo Qabiilkiisa ah oo Ka Soo Guureysey Bariga Burco | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siilaanyo oo Jahwareer Siyaasadeed Galay,Marwadii oo La la’yey Meel ay Jaan iyo Cidhib Dhigtay iyo Ergo Qabiilkiisa ah oo Ka Soo Guureysey Bariga Burco
March 5, 2015 - Written by Editor:

siiilaanyo fajac

Hargeysa(W.N) – Wararkii ugu dambeeyay ee xalaada Qasriga dalka Somaliland looga arimiyo naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in jahawareer siyaasadeed ka taagan yahay,madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu maanta ku dhex dhacay oo uu kala eryay Isbahaysigii Shalmad layda ahayd ee hoday,Canaan iyo hadalo kulul oo uu la tiigsaday iyo Marwo aamin waris oo la sheegay inay ka xanaaqday madaxtooyada islamarkaana meel ay martay lalaayahay.

Siilaanyo
Sida warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay caawa madaxtooyada ay noo xaqiijiyeen waxaa ka jira murug siyaadeed oo soo waajahay madaxweyne Siilaanyo kadib markii ay laba masuul oo aad u miisaan cuslaa iska casileen Xukuumadiisa taasi oo si gaar ah u taabatay isaga,waxaana la sheegay in madaxweyne Siilaanyo looga baqayo inuu dhiig maskaxda kaga furmo,gaadh adag oo laga hayo caafimaadkiisa iyo warar sheegaya inuu kala eryay naagihii fidmada abuuray oo maanta galinkii dambe shir iskugu yimid Qasriga madaxtooyada taasi oo la sheegay inay si weyn uga cadhootay marwada madaxweynaha oo markaa shirinaysay,waxaana la sheegay inay iyaduna shal madeeda ka qaadatay oo la laayahay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay.

Dhinaca kale waxaa caawa Burco ka soo galay odayaal aad u miisaan culus oo ka soo jeeda beesha madaxweyne Siilaanyo oo gurmad ah kuwaasi oo sida la sheegay u sida madaxweyne siilaanyo canaan iyo talo waayeel,waxa gaadhay xaalada soo waajahday Madaxweyne Siilaanyo iyo talada Xaawaladaydu maroorsatay waxaana la filayaa inay kulamo la sameeyaan siyaasiyiinta ka dareeray Xukuumada ee iska casilay iyagoo sidoo kale si gaar ah ula shiraya marka hore Gudidii Beesha Habar jeclo. Waftigan ayaa ilaa maanta la sugayay waxaananu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga dambe Insha Allah.

COMMENTS
LINKS