Shirkadda Genel Energy Oo Shaacisay Xilliga ay Dib u Bilaabayso Hawlahooda Sahaminta Shidaalka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Genel Energy Oo Shaacisay Xilliga ay Dib u Bilaabayso Hawlahooda Sahaminta Shidaalka,
March 11, 2015 - Written by Editor:

London, (Wajaalenews)- Guddoomiyaha Shirkadda Genel Energy, Tony Hayward, ayaa ka hadlay xilliga ay bilaabi doonaan sahamintoodii Somaliland iyo taageeradooda dedaalo xukuumadu ku abuurayso ciidamo ilaaliya goobaha sahaminta shidaalka.

genel Energy

Mr. Hayward oo shalay ka hadlayey kulan Genel Energy ku soo bandhigtay waxqabadkoodii sannadkii dhamaaday iyo qorshayaashooda ayuu ku sheegay inay ku talojiraan helitaanka xalkii u saamixi lahaa sidii ay jawi xasiloon oo amaan dib ugu bilaabi lahaayeen hawlahooda Somaliland.

genel“Genel waxay sii wadaa taageerida dedaalada xukuumaddu ku doonayso abuuritaanka ciidamo ilaaliya sahaminta shidaalka, oo fududeeya jawi xasiloon oo lagu bilaabi karo shaqada iyo hawlaha qoditaanka,” ayuu yidhi Hayward.

Gudoomiyaha Genel Mr. Hayward oo ka hadlayey xilliga ay dib u bilaabi doonaan hawlahooda sahaminta Somaliland ayaa sheegay inuu noqon doono horaanta sannadka 2016, waxaanu yidhi, “Waxaan noo qorshaysan inaan bilowno hawlaha sahaminta horaanta 2016.”

Shirkadda Genel Energy oo hore u bilowday Hawl-galladeeda Sahaminta Shidaalka, gaar ahaan gobollada Bari ee dalka, ayaa mar kaliya hakisay shaqadeeda sannadkii 2014-kii, ka dib markii ay sheegeen inay jiraan Duruufo dhinaca ammaanka ah oo u saamixi waayey inay sii joogaan Somaliland.

Haseyeeshee, Kulan magaalada London ku dhexmaray Masuuliyiinta Shirkadda iyo Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka tirsan, ayaa laysku af-gartay in shirkaddu dib u bilowdo hawlaheeda, balse waxay shuruud ka dhigtay, labada dhinacna ku heshiiyeen in la sameeyo ciidamo u gaar ah ilaalinta ammaanka goobaha laga samaynayo sahaminta.

In kasta oo shirkaddu shaacisay wakhtigaas inay dib u bilaabayso hawlaheeda, isla markaana aan wakhtigan xukuumadda Somaliland dhammaystirin shuruucdii iyo dhismihii ciidamada shuruudaha looga dhigay hawlaha sahaminta, haddana lama garan-karo in xukuumadda iyo shirkaddu isla qaateen in muddada sannadka ku dhow ee ka hadhsan horaanta sannadka 2016-da lagu dhammaystiri doono dhismaha ciidanka Ilaalinta ammaanka Shirkadaha, kuwaas oo xukuumaddu sheegtay inay ka mid noqon doonaan ciidanka Booliska isla markaana maamul ahaan hoostagaya wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS