|
|||||
WAJAALE NEWS
“Shimbir Ba Shimbirkiisa Ayuu La Duulaa”
March 20, 2015 - Written by Editor:Waddamada Reer Galbeedka waxyaalaha aynu ka barannay waxa ka mid ah in marka qof shaqo cusub dalbanayo in inta badan looga baahdo in uu caddeeyo in aanu dembiile ahayn oo magaciisu nadiif yahay. Waxa waddamadan ka shaqeeya nidaam loo raaco hubinta arrimahaas oo ciidamada amniga iyo mararka qaarkood hay’ado kale waddamada qaar ayaa agaasima hawshaas muhiimka ah. Way adag tahay waddamadaas qof dembiile ahi in uu shaqo sharciga waafaqdan ka qabto. Innaga waddankeennu ma leh diiwaan xusuuseed iyo kayd qoraal oo kala saari kara dembiilayaasha iyo dadka caadiga ah! Waa ayaandarro! Sidaas aawadeed, waxa dhacda oo inagu soo noqnoqda waddankeenna hebello dembiyo in ay galeen lagu tuhunsan yahay oo hadda na xilal qaran iyo garoomo lagu taxo. Arrintan oo kale miyaan la odhan karin waxa ay dhiirrigelinaysaa qof ba waxa uu doono in uu iskaga tallaabsan karo? Tuugada, xatooyada iyo boobka badheedhka ah ee hantida guud ee qaranka ee mar wal ba laga qayliyaa saw ilaha ay ka soo butaacdaa aafadani kama mid noqon karto, illayn lama ba hubin qofka hantidaas markii hore ba mas’uulka looga dhigaye?! Bal ka warran hay’adaha sugidda caddaaladda, garsoorka iyo amnigu haddii ay dembileyaal u gacan galaan?! Bal qiyaas xilalkii wasiirrada iyo agaasimayaashoodii ama maamulayaashii iyo macallimiintii dugsiyada ubadku wax ku bartaan! Bal ka feker golayaashii sharci dejinta iyo halkii waddanka looga arriminayey haddii wax-isku-ma-falaan isugu soo habar-wacdaan oo ku bahoobaan?! Tuuggu waxa uu la shuraakoobaa tuug kale, dembiiluhu na dembiile kale, illayn “shimbir ba shimbirkiisa ayuu la duulaaye”! Sidee iyo maxaynu ku kala saari karnaa tuugga mareegaha sita ama dembiilaha ilkaha dhiigga ku leh iyo qofka ammaanada leh ama aan dembi uu galay lagu tuhunsanayn? Qalinkii Maxamed Baashe Xasan
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|